GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland ee Garowe waxaa maanta ka dhacay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland .
Tartanka oo ahaa mid sidii loo maleynaayay aan u adkeyn waxaa  ku guuleystay Xildhibaan C/abdirisaaq Axmed Siciid kaasoo si aqlabiyad leh loogu doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Wareega koowaad ayaaba lagu kala baxay markii C/risaaq uu helay 37 halka Labada musharax oo ku soo xigeen ay heleen min 10 cod kuwaasoo kala ah Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo.
Labadaan musharax ayaa markiiba tanaasuleen markii ay ogaadeen jawiga iyo halka dabeyshu u socoto sidaas daraadeed ayaana looga maarmay wareeg kale.
Guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Wakiilada Puntland Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku dhawaaaqay oo si rasmi ah ugu shaaciyay Natiijada Wareega Kowaad ee Doorashada wuxuuna cadeeyay  in Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku guulaystay Guddoomiyaha cusub.
Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa Wareegii kowaad ee Doorashada ka helay 37 cod halka Musharrixiintii ku soo xigay ee Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen Wareegga labaad ee Doorashada.
Sidop kale Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa doorashada ka helay 8 cod  wareegii koowaadba.
AXAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleUrurka Iskaashiga Islaamka oo si kulul uga hadlay damaca Itoobiya
Next articleCiyaartii Galabta u dhexeysay kooxaha Banaadir iyo Hirshabelle oo loo joojiyay rabshado ka dhacay Garoonka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here