Aqoonyahanno ka tirsan ardayda Jaamacadda Accord, ayaa shalay ku qabtay xarunta Jaamacadaasi ee Muqdisho barnaamij aragti-wadaag ah, loogana hadlayay sidii ay kaalin muuqata kaga geli lahaayeen tacliin-layda Soomaalida horumarinta adeegyada bulshada, iyada oo loo marayo dhanka wacyigelinta & Dowlad-wanaagga.

C/risaaq Daahir oo ka mid ah dhalinyaradii kulankaasi soo abaabushay ayaa sheegay si loo gaaro hadafka dowladnimo taaba-gasha in loo baahan yahay in hogaanka hay’adaha cadaaladda ay noqdaan ashqaas caadil ah.

“Cadaaladda ama garsoorku, waa  halbowlaha Dowladnimadda. Qaran-jabkii Soomaaliya ku dhacay waxaa u sabab ahaa cadaalad darro baahday, cadaalad darradii shalay waa la boqol jibaaray maanta, haddii aanan xal loo helinna lagama yaabo in dhibaatada laga baxo” Ayuu yiri C/risaaq Daahir, isaga oo ugu baaqay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud inuu ka shaqeeyo sidii ay taariikhda ugu geli laheyd inuu noqdo hogaamiyihii dalkan sharaftiisa soo celiyay, haddii fashilmana inuu noqon doono hogaamiye taariikhda baal-mugdi ah ka gala.

“Waxyaabo badan oo aan dunidda aynu maanta ku nool nahay suurtagal ka ahayn in ay ka dhacaan ayaa Soomaaliya ka dhaca, sababtuna wax kale ma ahan shacabkii & waxgaradkii ayaa wax laxa-jeclo ah ka hayn dalkooda. Siddeey ku dhici kartaa Dowlad aan haba yaraatee adeeg bulsho ku celineyn shacabkeedii, shacabkiina ay yihiin canshuur bixiyayaal.? Siddeey ku dhici kartaa inaan waxba la iska weydiin jariimooyinka dilalka, dhaca & boobka hantida dalka.?  Siddeey ku dhici kartaa in shaqsiyaadka xilalka loo dhiibo inaan lala xisaabtamin, oo musuqmaasuqu cirka isku shareero.? Aaway dadkii isu sheegayay hormuudka bulshada oo ay ugu horreeyaan culimada, aqoonyahanada, macalimiinta, haweenka IWM.? Waxaad moodaa in la isku abaalmarinayo xoolaha ummadda loo kala dhici ogyahay.  Haddii mar walba oo uu dulmi dhaco meel kasta laga qeylin lahaa oo masaajidada looga hadli lahaa, saxaafadu soo bandhigi laheyd waxaan qabaa in xaaladu ay sidan dhaami laheyd” Ayuu yiri C/risaaq Daahir, isaga oo u mahadceliyay Jaamacadda Accord oo uu ku tilmaamay in ay fursad u siisay dadka aqoonyahanada ah in ay ka dooddaan arrimaha xasaasiga ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here