C/salaan Cali “Waxaan ku guulaysanay inaan iskuulkii ugu horreeyey Garoowe ka dhisno  2004-tii” [WAREYSI]

0

C/salaan Cali wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands, isaga oo intii muddo ahayd howl-wadeen ka ahaa hay’adda Kaalo Nederlands wuxuu C/salaan qayb ka ahaa mashaariic kala duwan oo hay’adaasi ka fulisay Gobolka Nugaal ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland, ayna ku intifaaceen bulsho Soomaaliyeed.

C/salaan, wareysi uu siiyey shabakadda SOMNIEUWS ee ka faaloota arrimaha quseeya  Soomaalida Holland, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in hay’adda Kaalo  la aasaasay 1994-tii, ayna  hirgelinteeda  iska kaashadeen aqoonyahanno qurba-joog ah, oo dusha u ritay inta ay kari karaan in ay bulshadooda caawiyaan.

“Mashruucii ugu horreeyey waxaan ka fulinay Gobolka Nugaal. Xilligaas waxa jirtay baahi loo qabay goobo waxbarasho, waad garan kartaa Magaalo yar oo ay dad badani isugu yimaadeen, waxbarashadii la waayay, dadkii xilligaasi u kacay in ay qabtaan howshaasi waxaa kiciyay damiirkooda, waxaanna ku guulaysanay inaan iskuulkii ugu horreeyey Garoowe ka dhisno  2004  iskuulkaas waxaa loo bixiyay [New Waaberi Primary school],” Ayuu yiri C/salaan, isaga oo intaasi raaciyey in shaqsiyaadka aasaasay Kaalo ay ku kala sugan yihiin dalalka Canada, USA & Nederland, ayna bil walba shir  yeeshaan, isaga oo intaasi ku daray in hadafka ay ka mideysan yihiin kulligood uu yahay laxa-jeclada ay u qabaan in wixii ay ku caawin karaan ay dadkooda ku caawiyaan.

“Hadafkaagu marka uu yahay inaad isbeddel ku sameyso nolosha dadkaaga, oo wax un ku kordhiso,  waa in marka hore qoshahaagu cad yahay, inteenna waxaa ina mideeynayey hal ujeeddo keliya taas oo ahayd maxaan ku celin karnaa dadkeenii.? Ayuu yiri C/salaan, isaga oo intaasi raaciyey in lacagaha ay mashaariicda ku fuliyaan laga qaado darafyo kala duwan.

“Qayb Soomaalida ayaa ku deeqda, qaybta kalena waxaa innagu kaba  hay’ado Hollandeys ah, laakiin marka hore ayaa la sameeya mashruucda la fulinayo kaddib ayaa dhaqaale u  raadinaa” Ayuu yiri C/salaan.

C/salaan, waxaa kale oo uu sheegay in Soomaalidu tahay dad kulansaday sifooyin dhowr ah oo wanaagooda ka marqaati kacaya, tillaabooyinka ay mushtamacyada kale kaga duwan yihiin ay ka mid tahay in ay yihiin dad isu gurmada, wuxuu ku booriyey in marka ay mashaariic fulinayaan in ay 2 arrin xisaabta ku darsadaan; tan hore ayaa weliba muhiim ah,  saameynta ay reebeyso fursadaasi in ay noqoto mid dad baahi u qabay adeegaasi ay ka faa’ideysanayaan iyo in aan laga niyad jebin inta hadafka la gaarayo.

“Hay’adaha Soomaalida ee dalkan waxaan kula talin lahaa marka ay doonayaan in ay mashaariic fuliyaan marka hore in qiimeyn sax ah ay ku soo sameeyaan mashruuca, iyaga oo haysta macluumaad ku filan in markaa kaddib ay ka howlgalaan wax walba in laga hormariyo sidii u miro dhali lahaa mashruucaas, oo lays waydiiyo raadka uu reebayo, qof kasta ee wanaag sameeya ILLAAHEEY xagiisa ayuu abaalmarin ka helayaa” Ayuu yiri C/salaan.

C/salaan, mar uu ka hadlayay in ay jiraan kuwa Soomaali ah oo ay isaga qaldan tahay danta gaarka ah iyo tan caamka ah, wuxuu tilmaamay in Soomaalidu ku badan tahay kuwa danahooda keliya wax walba ka eeegaya.

“Soomaalidu waa xarfaan, meel walba oo aad joogto team xarfaan ah ayaa jira, laakiin inteey isu yimaadaan ay waqti lumiyaan qorshe sax ah oo  ay ku shaqo tagaan baa ka maqan” Ayuu yiri C/salaan.

C/salaan waxaa la waydiiyey su’aal ahayd,  sababta ay ugu koobeen waxqabadkooda Garoowe keliya, oo aysan u gaarsiin gobolada kale ee Puntland, wuxuuna kaga jawaabay:

“Markii hore waxaan diirada saarnay Garowe, waxaan isla qaadanay in marka aan wax ka qabano baahidii halkaasi ka jirtay meel kale uma dhaqaaqin, dad koobban oo isu tegay oo wax isku daray inteey qaban karaan waa in koobban. Dowlad  ayaa dabooli kartaa baahida dadka”.

C/salaan, wuxuu sheegay in mashaariicda guuleystay ee ay Garoowe ka fuliyeen in ay ka mid tahay; inay hirgeliyeen meelo kaluunka lagu sifeeyo, lagu barafeeyo, wuxuuna xusay in mashruucaasi najaxay.

“Shirkadihii aan aasaasnay  waxay kaluun geeyaan deegaano fog fog, waxaan xoogga saarnay inaan mushtamaca ku tababarno xirfado ay ku shaqeystaan oo aysan deeq dibedda ka sugin” Ayuu yiri C/salaan, isaga oo dhinaca kalena xusay in sidoo kale ay jiraan dad sabool ah oo ay u dhiseen 24 guryo oo ay wax waliba u dhan yihiin, Sidoo kalena, ay Garoowe ka dhiseen dhismo 2 dabaq ah.

“Waxaan  ka dhisnay Garoowe dhisme  2 dabaq  oo aan ka dhignay  xarun Leybareeri ah oo wax lagu akhristo, [City Center and Youth library” waxay leedahay  xafiisyo ay wax walba u dhan yihiin xittaa musqulihii waa leeyihiin, xarunta waxaa ku dhex yaal  hool 250 qof ay ku shiri karaan , waxaan dhignay 40 kombiyuutar, 50 solor iyo 30 beteri, waxay leedahay  meel koffee lagu cabo,   iyada ayaa isku filan oo mararka qaar baahideeda daboosha, ujeedkeenu wuxuu yahay ururku hadduu hal magaalo xoogga saaro wixii waxqabadkii ayaa  muuqanaya haddiise aad meelo waliba wax yar ka sameyso waxaa lumaya natiijadii” Ayuu yiri C/salaan.

C/salaan,  mar uu ka hadlayey farqiga u dhexeeya Soomaalida iyo dadyowga kale ee ajnabiga ah ee dalkan ku dhaqan, wuxuu tusaale u soo qaatay in Soomaalidu aysan u abaabulnayn sida ajnabiga keliya, sababta wuxuu ku sheegay inaan lagu baraarugsanay fursadaha dalkan laga heli karo.

“Markaan isku fiirino jaaliyadaha nala midka ah sida  Marookaanta iyo  Turkida waa bulsho wax ku noqday fursado ay iyagu abuurteen, sababto waxay tahay waxeey ku talogaleen in dalkan ay wax ka kororsadaan, sharcigiisa ilaaliyaan, kana faa’ideystaan waxa ay xaqa u leeyihiin” Ayuu yiri.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here