Caawa uu Furmay shirka wada Xaajoodka Farmaajo,Dani iyo Ahned Madoobe

0

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in caawa si rasmi ah uu u furmayo kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wada-hadallada u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo DFS ayaa ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxaana xalay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo hordhac u ahaa kulanka caawa.

“Madaxweyne JFS ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u sugaya natiijada shirkan oo ah mid muhiim u ah dalka,waxaana laga filayaa in heshiis rasmi ah laga gaaro arrimaha doorashooyinkam kamana qeyb galayaan shirkan  madaxda kale ee dowlad goboleedyadii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here