Magaalada Dhuusameeb waxaa maanta ka dhacday doorashada labada Senator ee ugu dambeeyay xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana u tartamay 4-musharax oo kusoo baxay liis uu soosaaray Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku guuleystay kursiga uu ku fadhiyay afartii sanno lasoo dhaafay kaddib markii uu helay 83-cod oo ah tirada soo xaadirtay fadhiga, Xildhibaan diiday am aka aamusay ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Natiijadaan ayaa ka dhigay in uu dhammeystirmay xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka oo dhan 54-xubnood  oo kala metalaya Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle & Gobollada Waqooyi (Somaliland).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here