La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dib u heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ahna Bare Jaamacadeed ayaa ka hadlay guul usoo hoyatay Jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya, gaar ahaan Jaamacadda Mogadishu University.

Advertisement

Mogadishu University ayaa kaalin wanaagsan ka gashay liiska Jaamacadaha ugu wanaagsan Dalalka Carabta, qiimayn la sameeyay sannadkan sii dhamaanaya ee 2023.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa sheegay in xilliyadii lasoo dhaafay ay isbeddel muuqda laga dareemay Jaamacadaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Mogadishu University جامعة مقديشو, oo uu sheegay in ay gaartay horumar waxbarasho, waxa uuna ku ammaanay maamulka Jaamacadda.

“Markii la qiimeeyay 208 Jaamacadood, oo ku yaalla dalalka Carabta, Mogadishu University جامعة مقديشو (MU), waxay gashay kaalinta 108. Taas macnaheedu waa in MU ka sare martay 100 Jaamicadood iyo 107 jaamicadood oo ka sare maray MU. Hambalyo maamulka, macallimiinta iyo ardayda MU. Hore usocda sanadka dambe,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

Sidoo kale Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow waxa uu tilmaamay in haatan Jaamacadha ku yaalla Soomaaliya ay cagta saareen waxbarashada caalamka, isaga oo sheegay in muddo uu farqi u dhaxeeyey waxbarashada taalla caalamka iyo tan Soomaaliya, balse haatan arrintaas laga kabsaday, waxa uuna ku ammaanay aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo u dhabar adeegay arrintaas.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa ka mid ah aqoonyannada Soomaaliyed ee 30-kii sano ee la soo dhaafay dhidibbada u aasay in dalka uu kasoo kabsado dhinaca waxbarashada, wuxuuna ka mid ahaa aas-aasayaasha Jaamacadda Muqdisho.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

Previous articleDAAWO: Galmudug iyo Hirshabelle oo Galabat Bar-baro ku kala baxay
Next articleMacawisleey ka tirsan Beesha Waceysle iyo Gaadiid Dagaal oo Maanta Muqdisho laga sagootiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here