HomeWarkiiCabdiweli Gaas oo ka warramay xilka loo magacaabay ee wakiilka Midowga Afrika...

Cabdiweli Gaas oo ka warramay xilka loo magacaabay ee wakiilka Midowga Afrika ee Suudaanta Koofureed

=XIGASHO BBC SOMALI=Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Suudaanta Koofureed iyo madaxa xafiiska xiriirka Midowga Afrika ee Jubba.

Magacaabiddiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo dalka Suudaanta Koofureed muddooyinkii u dambeeyay uu khilaaf siyaasadeed ka dhex taagnaa dhinacyada kala duwan.

Suudaanta Koofureed waxay noqotay waddan madax-bannaan 9-kii July, 2011, ka dib afti dadweyne oo ku dhawaad ​​99% codbixiyayaashu ay doorteen madax-bannaani. Tani waxay daba socotay tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah oo u dhexeeya dawladda Suudaan iyo Jabhadda Xoraynta Dadka Suudaan SPLA.

Sidee ku timid magacaabidda?

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya June 2011 ilaa October 2012 xilligaasi o uu dalka marayay marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, kadibna waxa uu noqday Madaxweynaha Puntland 2014 ilaa 2019.

Dr Gaas oo BBC la hadlay ayaa sheegya in magacaabidiisan ay ku timi ka dib markii uu taageero ka helay dowladda Soomaaliya islamarkaana uu guddoomiyaha Midowga Afrika isna u gartay inuu xilkaasi u magacaabo.

“Waxay ku timi ninka odeyga ah ee i magacaabay iyo dowladda Soomaaliya oo i taageertay oo si dhaw oo wanaagsan iila shaqeysay marka shaqooyinka sida la isugu magacaabo sidaa weeye,” ayuu yiri Dr Gaas.

Gaas ayaa madaxwaynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada iyo sida ay uga gacan siiyeen helidda xilkani.

“Waxaan rabaa inaan u mahad-noqo Maxamuud Cali Yuusuf oo ah odeyga Midowga Afrika oo xilkn ii magacaabay, sidoo kale waxaan rabaa inaan u mahad-naqo madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo rai’sul wasaare Xamze oo iyaguna barnaamijkaa igu taageeray oo runtii si fiican iila shaqeeyay iyagana aad iyo aad ayya u mahadsan yihiin” ayuu intaa ku daray.

Maxay noqon doontaa shaqadiisa?Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Xilka cusub ee loo magacaabay Dr Gaas ayaa hoggaamin doona xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee midowga Africa ee Koonfurta Sudan, isku xirka urur goboleedka IGAD, Qaramada midoobey, iyo hay’adaha kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, wuxuuna taageeri doonaa hirgelinta heshiiskii 2018 ee xalinta colaadaha South Sudan.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmamaay shaqada loo dhiibay inay tahay mid adag balse uu rajeynayo in uu guul ka keeno.

“Xilkani waxaa weeye shaqo u baahan dhisidda nabad Suudaanta Koofureed marka llaah ha ii fududeeyo laakiin arrin runtii imtaxaan ah oo dhib badan ayay noqon doontaa sida ii muuqata, laakiin insha allah waxaan rajeynayaa haddii aan dadaalo ilaah-na ila garab galo wax uun isbadal aan ka sameyn karo” ayuu yiri Dr Gaas.

Waxaa uu farta ku fiiqay in shaqadiisa ay noqon doonto sidii uu dib u heshiisiin ugu sameyn lahaa dhinacyada isku haya dalkaas.

“Waddankaas dhib baa ka jirta ah is haysi kooxa kala duwan oo dalkaasi ka jira sida Sooamaliya dhibta uga jirto oo kale marka heshiisiin dadka uun meeshaas jooga siyaasad ahaan oo dhisidda nabadda iyo dhisidda dalkaba isugu jirta dhanna in laga taageero oo dhissidda nabadda iyo in ay isu soo dhawaadaan iyo dib u dhiska dowladnimada” ayuu intaa ku daray.Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,

Waa kumaa Dr Cabdiweli Gaas?

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa labadii bishii July sanadkii 1967 ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Gaas ayaa markii hore wax ku bartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaasi oo 1984-kii ka qaatay shahaadada BA ee dhaqaalaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

kadibna Dr Gaas waxa uu u guuray dalka Maraykanka oo uu wax-barashadiisii ​​ka qalin jabiyay, 1988-kiina waxa uu shahaadada MA ee dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Vanderbilt.

Dr Cabdiweli waxa uu agaasime ka soo noqday Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga ee dawladda dhexe ee Soomaaliya bartamihii ilaa dabayaaqadii 1980-aadkii. Intii u dhaxaysay 1988 ilaa 1991, waxa uu ahaa Kaaliyaha Agaasimaha Cilmi-baarista iyo Tirakoobka ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Dakhliga.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay bishii June ee sanadkii 2011 ilaa bishii October ee sanadkii 2012, wax yar kaddibna waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee xilligaasi la dhisay.

Cabdiweli ayaa inta uusan noqonin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo noqday wasiirka qorsheynta iyo ku xigeenka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, oo xiligaas khilaaf siyaasad uu soo kala dhex galay isaga iyo madaxwenihii waqtigaas, Shariif Sheekh Axmed.

Dr Gaas ayaa 8-dii January ee sanadkii 2014-kii waxaa loo doortay madaxweynihii shanaad ee dowlad goboleedka Puntland.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -