Waxaa lagu wadaa in Maalinta berito oo Sabti ah Magaalada Garoowe ay tagaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo sidoo kale mar soo noqday Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo labadaan mas’uul oo hadda ku maqan dalka dibadiisa oo safarkooda uu qorsheysnaa mar hore ay hadda ugu dambeyn imaanayaan Magaalada garoowe, halkaas oo tdoobaad ka hor uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Advertisement

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedada safarka ay magaalada Garoowe ku tagayaan Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabduweli Gaas ay la xiriirto sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada garoowe.

Sidoo kale mas’uuliyiintaan ayaa Magaalada Garoowe waxaa ay u tagayaan arrimo la xiriira doorashooyinka Puntland maadaama muddo xileedka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka arsan yahay wax ku siman Shan Bilood.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa siwyen looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda hab Maamulka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sanadka markale u sharaxan Madaxweynaha Puntland, dad ka ag-dhaw ayaana xaqiijiyay in Gaas uu aaminsanyahay in sida Madaxweyne Xasan Sheekh oo kale uu leeyahay fursad uu markale kusoo laaban-karo, looguna dooran karo madaxweynaha Puntland.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa wadda shirar ay Culays ku saarayaan xukuumada madaxweyne Deni si ay u xaqiijiyaan in doorashada madaxtinimada Puntland ay ku dhacdo 8 January, looguna laabto 66dii xildhibaan ee Odayaasha dhaqanku soo xuli-jireen.

Previous articleDeni oo lagu eedeeyay in uu doonayo muddo kororsi dhaqaalana ku bixinaayo
Next article𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗞𝘂 𝗔𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝟭-𝗱𝗮 𝗟𝘂𝘂𝗹𝗶𝘆𝗼 𝘂 𝗱𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here