Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya waxaa ka taagan xaalad feejignaan ah oo ka dhalatay dibadbax uu iclaamiyay mucaaradka dalkaas oo muddooyinkii dambe ku howlanaa abaabulka isusoobaxyo ay dhigayaan.
Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay waddooyinka iyo meelaha loo arko in uu kasoo aasaasmi karo dibadbaxa ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah si looga hortago.
Sarkaal katirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in aanay la aqbali Karin in Mucaaradku qabto dibadbax sharci baalmarsi, haddii uu ku adkeystana ay sameynayaan kahortagga natiijada aanay wanaagsaneen ee ka dhalan karta.
Cabsi awgeed ayaa loo xiray goobaha Ganacsiga, ajaanibta Kenya ku nool oo wax badan ka bartay dibadbaxyadii rabshada watay ee Nairobi ka dhacay ayaa billaabay qorshe ay naftooda ku xadidayaan si aanay waxyeello kasoo gaarin.
Suuqa Islii oo ay ku Ganacsadaan Ganacsato u badan Soomaali ayaa maanta xiran, qaar kamid ah Ganacsatada Suuqaas ayaa la arkayaa iyaga oo hortaagan albaabada goobahooda si ay marweliba uga feejignaadaan boob loo geysto.