HomeWarkiiCabsi soo wajahday Soomaalida Nairobi ku dhaqan kadib dil dhawaan loo geystay...

Cabsi soo wajahday Soomaalida Nairobi ku dhaqan kadib dil dhawaan loo geystay Nin Kenyan ah

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa maal-mahaan danbe soo kordhaya cabsi soo wajaheysa Soomaalida Kenya ku dhaqan gaar ahaan Magaalada Nairobi kadib hanjabaad ka timid mid ka mid ah qowmiyadaha kale ee kenyaanka ah markii nin reerkooda ah dhawaan uu dilay nin hubeysan oo Somali Kenyan ah.

Kenyaanka la dilay ayaa lacag aad u badan wuxuu si qiyaano ah uga qaatay Ganacsade Somaliyeed markii uu ka iibsaday guri uusan isagu lahayn, Ninka Soomaaliga ah markii lacagta laga shubtay kadib ayuu ogaaday in si qiyaano ah wax looga iibsaday taasoo keentay inuu mar labaad ninkii xaqa u lahaa uu ka iibsado balse nin qaraabadiisa ah oo hub sharciyeysan wata ayuu u wacday kaasoo toogtay kii sida qiyaanada lacagta uga qaatay.

Soomaalida ayaa hada wajaheysa cabsi markii ay ogaadeen in Kenyaanku qorsheynayaan inay aargoosi ku dhaqaaqi doonaan oo ay dili doonaan Soomaali kenyaanka ama Soomaalida qaxootiga ah kii ay arkaan.

Xiisada taagan ayaa lagu wadaa inay Booliisku wax ka qabtaan inta aysan xaaladu meel ka sii xun gaarin madaama dadka Soomaalida ah yihiin dad aad ugu dhiiran inay talaabo degdeg u qaadaan hadii lagu soo xad-gudbo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale macalin kenyaan ah lagu dilay Ismamulka Garisa inkastoo aan cadeyn sax ah loo heyn kuwa dilka geystay madaama ay baxsadeen balse Garisa ayaa ah magaalo Somali-Kenyaanku gar u degaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -