Nidaamka federaalka ayaa la qaatay kadib 14 Sanno oo dagaalo qabiil & Mid deegaan lagu hoobtay, badanaa colaada ayaa ahayd mid Siyaasad qabiilaysan salka ku haysay,

Dowladdii Cabdi qaasim salaad ayaa ugu dambaysay isku day Dowlad dhaxe oo lasoo celiyo, iyadana waxay fashilantay intaysan shaqo bilaabin oo sal dhigan, Waxayna Dhacday iyadoon aan gacantaba ku hayn Koonfurta Muqdisho iskaba daa deegaan kalee,

Fashilka ku yimid in la helo dowlad dhaxe waxaa sabab u ahaay shakiga Siayasadeed iyo Kan Qabyaaladeed ee umadda dhax yaalay, markii ay bur burtay Dowladdii Siyaad barre, waxaa bur buray Nabaddii & Xasiloonidii guud ahaan Jamhuuriuadda Soomaaliya,

Qaadashada federaalka ataa ahaay xal aan lahaysan wax lagu badasho, In soomaaliya samayso Horusocod dowladnimo lagasoo bilaabo Dowladdii cabdulaahi yuusuf ilaa maantana waxaa saldhig u ahaay nidaamkaan federaalka oo ahaay xal lawaayay wax lagu badasho, Nidaamka federaalkuna ma ahayn mid soomaaliya lagu qasbay sida dadka qaarkii ku doodaan ee waxa uu ahaay mid Iqtiyaari ah, waxaana sabab u ahaay sida aan horay usoo sheegay markii la waayay xal kale oo lagu xasiliyo xasaradaha ka taagnaay soomaaliya,

Shakiga laga qabo Dowlad dhaxe oo kaligii talis ah waxa ay ahayd asbaaa kale oo qasbaysay in xal loo arko Nidaamkaan, waxaana hadafku ahaay in kalsoonida soomaalida dhaxdeeda oo meel hoose gaartay dib loosoo dhiso iyadoo deegaan walba ismaamul gaar ah lasiinayo,

Dowladda hada waqtigeeda dhamaaday ayaa banaanka soo dhigtay cabsida wixii laga cabsi qabay ee loo qaatay nidaamka federaalka, waxaadna malaysaa madaxda in dowladda hada jirta aysanba fahamsanayn asbaabtii loo qaatay Nidaamka federaalka ee ahayd laba qodob oo kala ah, Xakamaynta colaadaha & in laga digtoonaado soo laabashada awood kali talis oo xukunka isku gaar yeesha,

Xaaladda maanta taagan waxaaad ku xasuusanaysaa xikmaddii federaalka in lagu guulaystay, sababtuna waxay tahay caawa in xukunka soomaaliya gacanta ugalo koox gaar ah oo sideey doonto ugu tagri fasho waxaa hortaagan awood kamid ah awoodihii laga dhaxlay nidaamka federaalka, puntland & jubbaland waa laba astaan oo u taagan faa’iidada Nidaamka federaalka marka laga hadlayo dhinaca xulunka kaligii talis, waase jiraan caqabado ka abuurmay nidaamka federaalka, balse kuwaasi waxay u badan fahamka Nidaamkaan oo aan wali ka haarin heer , taasina waa dhibaato la sixi karo, balse Nidaamka Federaalka maanta waxa uu muujiyay faa’iidadiisa koowaad oo ah Difaaca wadar ogolka & Diidmada kaligii taliska.

 

Qore Avukate Ibraahim Awale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here