HomeWarkiiCagafta Xasan Sheekh oo maanta dul joogta guryaha Sarkiisha ciidamada ee Xaafada...

Cagafta Xasan Sheekh oo maanta dul joogta guryaha Sarkiisha ciidamada ee Xaafada xera sarandi

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowlada Somalia ayaa Saaka la sheegay inay weerar ku qaadeen guryaha ay degan yihiin inta badan saraakiil hore oo howlgab ah kuwaasoo ku dhaqan Xaafada Xera sarandi ee Magaalada Muqdisho.
Jeneraal dhegacaleyn oo ah sarkiisha guryahooda ay gaartay cagaftu islamarkaa mudo u soo shaqeeyay qaranka ayaa awood loo adeegsaday isaga iyo istaafkiisa, waxaa lagu amray inuu ka baxo guriga si cagaftu shaqadeeda u qabsato oo u burburiso guriga u degan yahay oo ay saraakiisha Dowladu ku doodayaan inay yahay dhul Dowlo.
Cagafyada Dowlada ee qaabilsa burburinta guryaha Dowladu la wareegto ayaa saaka howl culus waxay ka wadaan si wada jir ah xaafada Xera sarandi dhibaatooyin gaar ah laga soo sheegayo madaama saraakiisha la barakicinayo qaarkood naafo yihiinoo ay aysan xitaa socon karin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -