Advertisement

Calanka Finland ayaa maanta galaya diiwaanka dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga NATO kaddib markii uu si rasmi ah uga soo gudbay Shuruudihii uu hordhigay Turkiga ee sababay in muddo dheer uu dalkaan raadinayo  kamid noqoshada Ururkaas, Xukuumadda Helsinki ayaa noqoneysa Dalka 31aad ee xubinta ka ah Isbaheysiga NATO.

Advertisement

Xoghayaha guud ee NATO ayaa ku dhawaaqay Shalay in Maanta Calanka Finland si rasmi ah looga dhex taagi doonno Calamada Dalalka Xubnaha ka ah NATO, kaddibna qorshaha xiga uu noqonayo in Dalkaas uu ku biiro howlaha ay wadaagaan Waddamada xubnaha ka ah Isbaheysigaas.

Dalka Finland waa waddanka xubinta ka ah NATO ee Xuduudda ugu dheer la wadaaga Ruushka, labadaas Dal waxaa ka dhaxeeya Soohdin gaareysa 1,300 KM oo dhowr jeer Moscow sheegtay in ay kahor istaageyso ku biirista Ururkaas.

Cabsida ugu weyn ee Xukuumadda Helsinki ee dhanka Moscow ayaa ku riixday in si indha la’aan ah ay u gasho heshiiska shuruudaha badan ee Turkiga hor dhigay si ay uga badbaado duullaanka uga yimaada Ruushka si lamid ah Ukraine.

Finland ayaa xubinnimada NATO waxa ay uga dhigan tahay in ay heshay Xasaanad ay uga hortageyso duullaan Ruushka uu ku qaado maadaama dhul baaxad weyn oo Xuduud ah ay la wadaagto dhiggeeda Moscow.

Ruushka ayaa durba diyaariyay Ciidamo dheeraad ah oo uu dhigay Xadka uu la wadaago Finland si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaq weliba oo NATO halkaas ay ka sameyn karto si daan-daansi ay ugu sameeyaan dalalka Mareykanka uu hor boodayo

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here