MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii 1-aad ee soo mara Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo aad ugu dhawaa Madaxwynaha Somalia Xassan Sheekh marka la eego dhanka siyaasada ayaa maanta hal mar dhanka kale u wareegay markii uu ka carooday sida Dowladu u maareneyso arinta Hirshabelle.
“Madaxweynaha waxaan ku taageersanahay maareynta arrimaha Somaliya iyo iska celinta mucaaradka, laakin kuma taageersani siduu u wajahayo arrimaha Hirshabelle, Gudlaawe muxuu kaga duwan yahay Lafta Gareen marka laga yimaado dhalyada ay ku kala xigaan? Lafta gareen ayaaba ka shaqeeyay horumarinta Degaankiisa”ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble
Sidoo kale Cali C/laahi Cosoble wuxuu is weydiiyay Dowlada Madaxweyne Xasan sida ay tahay inay ula macaamisho Hirshaballe.
“Mud Madaxweyne Hirshabelle (1) ma la kala diraa (2) ma la saxaa (3) mase marka laga yimaado Villa Somalia iyo Gobolka Banadir, Hirshabelle waa maamul saddexaad oo u soo kordhay Abgaal? Wararka suuqa yaala ma qurux badna”ayuu yiri Cosoble
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
