Madaxweynihii ugu horeeyaye ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Ciosoble oo qoraal soo dhigay barihiisa bulshada ayaa shegay inay bilaaban doonto faragelin lagu hayo arimaha soomaaliya madaama dhawan la soo afjaray baarista shidaalka ku jira Somalia islamarkaana dhawaan la bilaabi doono in la soo saaro.
Siyaasigaan wuxuu intaasi ku daray in dhawaan Madaxda dalka hogaamineysa loogu hanjabi doono in dhaqaalaha laga goosan doono.
Halkaan ka akhriso warbixinta Siyaasigaan oo sidiisa u qoran:-
Maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii shidaalka ee laga waday xeebaha Somalia, haddana loo dhaqaaqayo soo saaritaankiisa, waxaa isi soo tari doona faragelinta qaawan ee lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Somaliya, geeddi socodka dimuqradiyadda iyo la dagaalanka argagixisada.
Waxaa lagu cabsi gelin doonaa madaxda Somaliya in la joojinayo nooc walba oo taakuleyn ah oo uu dalka heli jiray; gaar ahaana dhinacyada kabitaanka miisaaniyadda, taakuleynta ciidamada iyo daryeelka dadka danyarta ah. Waxaa xigi doona in si toos ah loogu hanjabo madaxda Somaliya oo la yirahdo waxaa la idin saarayaa xannibaad dhanka safarka (travel ban). Ugu dambeyntiina waxaa la khalqal gelin doonaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho, sidoo kalana waxaa la arki doonaa argagixisada oo meel walba ka soo tuureysa hoobiyeyaal soona qaadeysa weerarro ballaaran.
Wey muuqataa howsha uu Soomaaliya ka hayo ama u joogo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay. Mr James Swan. Waa xaqiijints ineysan Soomaaliya marnaba hore u socon. Asaga iyo kooxda uu ka tirsan yahay ee la isku yirahdo C6+ wexey ku howlan yihiin iney dalka ka abuuraan xasilooni la”aan siyaasadeed, ayagoo ku dhiirri gelinaya shakhsiyaad siyaasiyiin ah iney is hor taagaan iney dalka ka dhacaan doorashooyin dimuqradi ah.
Soomaaliya iney ka baxdo UNSC Chapter 7 wexey ku xiran tahay iney dalka ka dhacaan doorashooyin Qof iyo Cod ah. Haddiise ay dhici weydo waxaa imaanaya 1) in dalka loo kala jaro sidii la doono sida Somaliland oo la aqoonsado iyo 2) in la hor joogsado soo saaritaanka shidaalka.
Mucaaradka miyey fahmayaan khatarta ay dalka ku wadaan, mase wexey moodaan inuu gaalka cad daacad u yahay Soomaaliya? Go’aanka waxaa leh shacabka Soomaaliyeed.