HomeWarkiiCali C/laahi Cosoble oo si la yaab leh uga hadlay arin ku...

Cali C/laahi Cosoble oo si la yaab leh uga hadlay arin ku saabsan mucaaradka iyo Alshabaab

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirdhabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa markii ugu horeysay si aan looga baran siyaasiyiinta oo la yaabkeeda leh wuxuu uga hadlay arin ku saabsan mucaaradka Dowlada iyo Alshabaab.

Siyaasi Cali C/laahi Cosoble wuxuu qoraal uu soo saaray baraha bulshada ku shaaciyay in Alshabaab beeniyeen warar mucaaradka ka soo yeeray oo ah in Alshabaab weeraro kaga hor tagayaan doorashooyinka Dowladu qaban doonto sanadka 2026-ka.

“Al Shabab wexey yirahdeen mucaaradka murtidiinta ah maxey saacad walba ugu hayaan doorasho kama dhici karto Muqdisho oo Shabab ayaan oggoleyn, shacabka ayeyna dhibaateyn doonaan?” ayuu yiri Siyaasi Cali C/laahi

Sidoo kale Siyaasigaan wuxuu sheegay in Alshabaab mar kale ku jawaabeen  annaga marnaba kama hadal doorashooyinka ee kuwa diidan waa ayaga ee shacabku ha iska ilaaliyaan mucaaradka.

Waa dhacdo ugub in siyaasi soo xigto kooxda Alshabaab isagoona riixaya siyaasi kale oo ay aragti isku diidan yihiin,Cali C/laahi Cosoble wuxuu aad u taageeraa siyaasada Dowlada uu ku hogaaminayo Madaxweyne Xassan Sheekh.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -