Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa werarkii ugu xoogganaa oo afka ah ku qaaday Ugaaska Beesha uu ka soo jeedo ee Xawaadle isagoona qormadiisa cinwaan uga dhigay Ugaska Xawadle muxuu kaga duwan yahay ugaska Abgaal, Ugaska Ceyr iyo Ugaska Murusade?
Qoraalka Cali C/laahi Cosoble oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Ugaska Xawadle muxuu kaga duwan yahay ugaska Abgaal, Ugaska Ceyr iyo Ugaska Murusade?
Ugas mucarad ah meel aan geyno ma naqaan ee ha ku ekaado inuu reerka u duceeyo. Anaa idinku xukumaa dhaqanka iyo siyaasadda waa fikrad aan marnaba la aqbaleyn.
Sida uu Sambalolshe shegay maaha, Xawaadlena ma fashilin 94tii ee wuxuu fashilay markuu Ugas Khalif 1991 yiri dowladnimo la iskuma hayo, Cali Mahdi iyo Jen Ceydiidna waxba kama dhexeeyaan balse waxaa is haya laba reer oo kala ah Abgaal iyo Habargidir. Waa maalintii uu Xawaadle lumiyay miisaankii uu ku lahaa siyaasadda.
Shalay ayaan idiin keenay madaxweyne waadna xajisan weydeen oo qaarkiin ayaa mucaaradayay qaar kale oo idinka mid ahna shilimaad ayey ku iibsadeen madaxweynihii welibana qamaar ayey ku cayaareen lacagtii waana laga helay.
Maanta waad shalaayeysaan oo waxaad leedihiin sideen dib ugu helnaa madaxweynihii. Ciddii shalay idiin keentay ayaa maantana idiin dooneysa ee adinka ha hor ordina siyaasadda.
