MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasada Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalmahaan danbe ku sugan Muqdisho halkaasoo uu ka bilaabay ololihiisa dib u doorashada.
Cali C/laahi Cosoble wuxuu sheegay in Farmaajo uusan midna ka ahayn siyaasiyiintii wada shaqeynta ay wada lahayeen oo kuligood manta ay iska soo horjeedaan.
“Farmaajow raggii aad soo wada shaqeyseen ma jirtaa cid weli kula socoda? Miyaadan intaa ku tusaale qaadan karin? Xoogaa xusuusta maa kugu yar? Aaway Kheyre, aaway Rooble, aaway Fahad Yasin, aaway Kullane jiis, aaway wasiir Ducale Islaw iyo kuwii kale dhamaantood? Ma weli baad muraayadda la sheekeysataa?” ayuu yiri Siyaasi Cali C/laahi Cosoble
Sidoo kale Siyaasigaan wuxuu ku tilmaamay siyaasada Farmaajo mid mid bilaash xeytenimo ah isagoona su’aal ka keenay.
“Farmaajow ma taqaan waxa loogu yeero dadka sidaada oo kale u hadla ? Waxaa la yiraahdaa bilaash xeyte” ayuu mar kale yiri Siyaasi Cali C/laahi Cosoble
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

CALI CABDULAAHIYOW DANTAADA FIIRSO QABIIL WAXBA KUUMA TARAAYO EE WAXAAD
U HADLEEYSAA QABIIL KAL KAAL DANEEYSTE EE ALLE KA BAQ WAXAAD SOO XUKUNTAY-
WAAD LA SOCOTAA EE NINKA LACAGTA XAARAANTA BIXIYO AYAAD TAHAY WAR ALLE KA-
BAQ QABIIL WAXBA KUUMA TARAAYO;