HomeWarkiiCali Cabdulahi Cosoble oo danbi ku tilmaamay in Muqdisho lagu casuumo Saciid...

Cali Cabdulahi Cosoble oo danbi ku tilmaamay in Muqdisho lagu casuumo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga caanka ah Cali C/laahi Cosoble islamarkaana ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirshbelle ayaa weerar  afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe kuwaasoo la dhawaa ku soo fool leh Magalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan gogosha uu dhigay Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre.

Cali Cabdulahi Cosoble oo saaxiib dhaw la ah Madaxda Dowlada Somalia islamarkaana aad ula dhacsan siyaasada Dowlada ay ku shaqeyso xiligaan ayaa hadana maanta qoraal uu baraha bulshada soo dhigay wuxuu danbi ku tilmaamay in Dowladu ogolaato inay Muqdisho yimaadaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

‘Siyaasigaan oo ka hadlayay shirka ay madaxdaani kaga qeybalayaan Muqisho ayuu ku dhaliilay damaca Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku doonayaan inay hub la soo galaan Xamar oo amni ah.

“Gole ku sheega mustaqbalka Somaliya wexey na leeyihiin Muqdisho dowlad kama jirto saa darteed hubkeena ayaan la imaaneynaa. In laga oggilaado iney A Madobe iyo Deni yimaadaan Muqdisho ayaabs dambi ah” ayuu yiri Cali C/aahi Cosoble.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -