HomeWarkiiCali Geedi "Dalkaan anagaa leh, gacanta beesha caalamkana waan ka baxnay,mana aha...

Cali Geedi “Dalkaan anagaa leh, gacanta beesha caalamkana waan ka baxnay,mana aha inaan daba yaacno safiir Dowladu 24 ku eryi karto”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa si adag uga hadlay dhaq dhaqaaqyada ama saameynta ay Somalia ku leeyihiin safiirada reer galbeedka iyo guud ahaan dalalka iyo Hay’adaha la isku dhaho beesha caalamka ama C6+.

Cali Maxamed Geedi oo hadalo ka jeediyay munaasabada soo dhaweynta duqa csub ee Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada Somalia ay iska diiday xiligaan in lagu maamulo Chapter 7.

Cali Geedi wuxuu intaasi ku daray in Safiir Dowladu 24-saac ku ceyrin karto  la daba yaaco.

“Dalkaan anagaa leh, gacanta beesha caalamka waxaan ka baxnay markii cunuqabateynta hubka nalaga qaaday,deymanka nalaga cafiyay, markii aan ku biirnay Ururka bariga Afrika iyo maanta oo aan xubin ka noqotay Golaha amaanka QM, mana jirto cid nagu qasbi karto” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi

Mar uu si gaar ah uga hadlayay safiirada dalalka shisheeye u jooga Somalia ayuu Cali Maxamed Geedi ka dhawaajiyay inuu yahay shaqsi danaha dalkiisa u jooga Somalia, islamarkaana Siyaasiyiinta Soomaalida iyagana laga rabo inay danaha dalkooda ilaashadaan.

“anigoo Dowlad KMG ah Ra’iisulwasaare ka soo noqday ayaa xiligeygii 4 Safiir ka eryay dalkeena ma la socotaan mise lama socotaan magacyadooda iyo dalalkii ay ka socdeen waxaan ku cadeeyay buugii aan qorey islamarkaan dhawaan aan soo bandhigay”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -