Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi oo ayaa amaan kala dul dhacay labada siyaasi ee kala ah Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdulcasiis Laftagareen iyo Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal.
Cali Geedi wuxuu ku amaanay labadaan masuul heshiiska siyaasadeed ee ay dhawaan ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi,wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta kale inay ku deystaan labadaasi siyaasi oo uu sheegay inay fureen waddo toosan oo ku cusub siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Cali Geedi oo sidiisa u qoran:-
Waxaan hambalyaynayaa hindisaha iyo isu-tanaasulka dib u heshiisiineed ee dhawaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhexnaray Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdulcasiis Laftagareen iyo Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal.
Labada mas’uul waxay fureen waddo toosan oo ku cusub siyaasiyiinta Soomaaliyeed; waxaana ugu baaqayaa kana codsanayaa madaxda kale ee Soomaaliyeed in ay ku daydaan oo u bareeraan qaadashada go’aankaas oo kale si loo ciribtiro ama loo yareeyo khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha ragaadiyay dowlad dhiska, midnimada iyo horumarinta danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii, waxaan u mahadcelinayaa waxgaradkii ka soo shaqeeyay ama ka qaybqaatay guusha is-af-garadka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha, anigoo u rajeynaya in ay dadaalka halkaas ka sii wadaan si loo gaaro dib u heshiisiin waarta.
