HomeWarkiiCali Geedi " Sababta loo dhisi la'yahay Maxkamad dastuuri ah oo kala...

Cali Geedi ” Sababta loo dhisi la’yahay Maxkamad dastuuri ah oo kala xukunta marka doorashooyinka la isku qabto dowlada ayaan uga fadhinaa”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka qeybgalaya shirka wada-tashiga qaran ee Madaxweyne Xasan uu ka furey Magaalada Muqdisho ayaa hadalo uu goor dhaw shirka ka sheegay wuxuu ku weeraray qorshaha Dowlada marka doorashooyinka la gaaro.
Cali Geedi wuxuu su’aal hor dhigay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo shir gudoominaya shirka wadatashiga ee maanta galay maalintiisa labaad.
” Dowlada waxaan ka rabnaaa sababta loo dhisi la’yahay Maxkamad dastuuri ah oo kala xukunta marka doorashooyinka la isku qabto” ayuu yiri Cali Geedi.
Ra’iisulwasaarihii hore wuxu sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay muhiimada ay leedahay in Dalku yeesho Maxkamad Dastuuri ah.
“maxkamad dastuuri ah hadii aysan jirin kadibna siyaasada la isku qabto oo xisbiyada tartamaya iyo dowlada is qabtaan maxkamad kala xukunta in loo baahan yahay ayay ila tahay oo ay ku jirto xitaa dasurka dib u eegistiisa, waxaan rajeynayaa in jawaab waafi ah dadka laga siiyo arintaasi sababta ay u maqan tahay”ayuu mar kale yiri Cali Maxamed Geedi
“waxaa ka cabsanayaa hadii doorasho dhacdo oo la is qabto, yaa na kala xukumaya, maxkamad dastuuri sababta loo dhisi la’yah mudane Ra’iislwasaare ku xigeen jawaabteedaan waa la rabnaa”ayuu yiri Cali geedi
Dhanka kale Cali geedi wuxuu jawaab ka bixiyay erey uu dhibsaday oo ahaa ciidamadii itoobiya ee sharci darada ku yimid somalia 2007-kii ,wxuuna carabka ku adkeeyay in Itoobiyaanku ku yimaadeen go’aan baaralman oo lagu ansixiyay qorshaha amniga iyo xasilinta qaranka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, newsroom, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -