Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa  kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo duubabka dhaqanka ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee deegaannada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorka muuqda ay ku lahaayeen dhismihii Hirshabeelle iyo doorkii muuqda ay ku lahaayeen dowlad dhiskii Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Guudlaawe ayaa Odayaasha Dhaqanka u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here