JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar isasoo taraya oo sheegaya inuu jiro khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guud-laawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Daba-geed kaasoo salka ku haya arimo ku saabsan hogaanka Gobolka Hiiraan sida aan xogta ku helnay.
Yuusuf Daba-geed waxaa la soo sheegayaa inuu u ololeynayo in xilka laga qaado Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad halka Madaxweyne Cali Guud-laawe uu taas ka hor yimid kadibna sidaas uu is faham- uu ku soo kala dhex-galay labada masuul ee sanadihii ugu danbeeyay uu wanaagsanaa wada shaqeyntodoa.
Wararka ku dhaw dhaw Guud-laawe ayaa sheegaya inuu si weyn ugu qanacsan yahay shaqada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad sidaas daraadeedna uu ka diiday soo jeedinta Daba-geed ee ah in shaqsi kale oo uu isagu doonayo loo dhiibo inkastoo cadeyn rasmi ah aanan u heyn anaga inuu shaqsi kale u rabo xilka.
Ma jirto ilo dhanka Maamulka Hirshabelle laga helay oo cadeynaya is qaqabsiga laga soo sheegay Madaxda ugu sareysa maamulkaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
