JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Maalmihii ugu danbeeyay waxay xiisad ka taagan tahay Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabelle taasoo u dhexeysa Dowlada Somalia iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana laga dareemayaa xiisad mar kasta isku badali karta iska hor imaad toos ah.
Khilaafku wuxuu ka dhashay markii Dowladu xilka ka qaaday Taliyihii ciidamada Booliiska ee Hirshabelle iyo Taliyihii guutada 3-aad ee Milateriga kuwaasoo ka howlgala Jowhar islamarkaana uu si toos ah uga hor yimid madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guud-laawe.
Khilaafka oo cirka isku sii shareeray ayaa banaanka yimid shalay markii warqad rasmi ah uu ka soo baxay Hirshabelle kaasoo ay Dowlada uga digayaan inay faragelinta ka deyso arimaha hoose ee Hirshabelle.
Sidoo kale Dowlada ayaa ciidamo badan geysay Jowhar sidoo kale waxaa la sheegay inuu gaaray Jowhar Jenaraal Saney Cabdule oo ah Taliyaha Dowladu u magacowday arimaha milateriga Hirshabelle taasoo qeyb ka ah qorshayaasha Dowladu rabto inay awaamiirteeda ka hir geliso Jowhar.
Haddaba waxaa jirta su’aal macquul ma tahay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guud-laawe uu noqdo Madaxweynihii labaad ee maamul Goboleeyada ka mida ee Dowlada kala hor yimaada dagaal dhiig ku daato marka Jubaland la eego oo ah Maamulkii ugu horeeyay ee Dowlada dagaal kala hor yimaada walibana laba Gobol ay ciidamo isaga laayeen.
Marka la eego Juquraafi ahaan halka Hirshabelle ku taal way adkaan doontaa inay dagaal kala hor yimaadaan cidamada Dowlada Somalia madaama Milateriga Somalia hiraan.Mudug,Gal-gaduud iyo guud ahaan gobolada Koofureed ku sugan yihiin taasoo ka dhigeysa hirshabelle inay go’doon u geli karto Dowlada xii caasimaduna deris la tahay waana tan Dowlada awood u siineysa inaan lagala hor iman karin dagaal.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
