Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo saaray Wareegto ku taariikheysan 24, Oktoober, 2023, kuna saabsan magacaabis Wasiirro.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle:

Advertisement

Markuu arkay: Qodobada 56aad iyo 57aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: In ay lagama maarmaan tahay dardargelinya Shaqada baaxada leh ee Xukuumadda.

Markuu Tixgeliyay: Aqoonta, kartida iyo Waayo-aragnimada mudanayaasha loo Magacaabay Xilalka hoos ku xusan.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle.

WUXUU MADAXWEYNAHU SOO SAARAY XEERKAAN

Qodobka 1aad
1- Waxaa Mudane Abuukar Axmed Cali (Dhaga-gaab) loo Magacaabay Xilka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

2- Waxaa Mudane Cabdixamiid Maxamed Cali loo Magacaabay Xilka Wasiirka Hub-ka Dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowladda Hirshabeelle.

3- Waxaa Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame loo Magacaabay Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle.

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADD HIRSHABEELLE

Previous articleWasiirka Ganacsiga Somaliland “hala ogaado Itoobiya ma rabto Dekad ay maalgashato ee waa dhul doon”
Next articleSaciid Dani oo xaaladu ku xuntahay iyo digniin kaga timid kumaandooska Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here