Masuulka Madaxweyne Xasan ugu qaabilan dhanka ciidamada Macawisleyda Cali Jeyte Cusmaan ayaa qoraal uu goor dhaw soo dhigay bartiisa acebook wuxuu si weyn ugu beeniyay warar maalmihii ugu danbeeyay la isla dhex marayay kuwaasoo ah eedeyso isaga loogu jeediyay inuu isbaaro dhigtay Gobolka Hiiraan sidoo kalana uu bulshada ka hor istaagay mashaariic horumarineed.
Cali Jeyte wuxuu ku tilmaamay eedeymahaasi marin habaabin iyo faafinta dhacdooyin aan jirin,wuxuu xusay inay yihiin arimo lagu doonayo in isaga lagu sucmad dilo.
Qoraalka Cali Jeyte oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
BISMILLAH.
Xaqiiqdii Waxaa nasiib daro ah in Siyaasiyiin aan kalsooni Bulsho laheeyn iyo kooxo abaabulan oo aay adeeg sanayaan aay marin habaabin iyo faafinta Dhacdooyin aan jirin aay faafinayaan oo Aay si shaqsi ah iigu sucmad dilayaan Dhaqan (Isbaaro) iyo qoryo in aan wax ku Joojinay. !!!
Waxaan u cadeeynayaa shacabka Reer Hiiraan in aysan ku kad soomin faafinta Dacaayada been abuurka ah ee lagu Sheegay inaan isbaaro dhigay qoryane aan Ku joojinay dhismaha mashaariic dan Guud ah wa been abuur aan sal iyo raad laheen, Aniga shaqsiyan Dadkeeyga Iyo Deegaan’keeyga waxaan u qabaa lax-Jeclo weeyn mana ahi shaqsi inuu wax Siyaadiyo mooye wax nus’qaamiyo Sooyaal Keeyga qeeyb kama ahan dibu dhac iyo Dibin daabyo Umadd.
Alle swt waxuu quraan kiisa ku leeyahay
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ إِن جَآءَكُمْ فَاسِقٌۭ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا۟ أَن تُصِيبُوا۟ قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا۟ عَلَىٰ مَا فَعَلْتُمْ نَٰدِمِينَ
“Kuwa rumeeyow, haddii nin faasiq ah idiin keeno war, hubiya oo baara si aadan dad ugu waxyeelayn jaahilnimo darteed, Dabadeedna aad uga shalaaydaan wixii aad fasheen ee Aadan hubinaha.”
Siyaasiinta waxaan leeyahay walaal’yaal Kalsooni yeesha xukunka Alle ayaa bixyo Tartanka waa waqtigiisa iyo goobtiisa.
Mahadsanidiin.
