Cali Jeyte Cusmaan oo ah U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Macawisleyda ayaa ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.

Cali Jeyte wuxuu digniin adag siiyay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay maamulaan Kooxda Alshabaab,isagoo ugu baaqay inay ka soo guuraan goobahaasi.

Advertisement

“Allow marqaati ka ahow inaan gaarsiiyay digniintaas, ogaada Alshabaab iyo inta la joogta isku si baan ula tacaamuleynaa”ayuu yiri Cali Jeyte Cusmaan.

Siyaasigaan wuxuu faray shacabka inay isaga dhex baxaan labada ciidan xili warkiisu u muuqday inay iyagu weerar yihiin.

“Cid kasta oo aan ugu tagno meelaha ay joogaan Alshabaab sida iyaga ayaan ula macaamileynaa ogaada,ka soo baxa agagaasi”ayuu yiri Cali Jeyte

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara dib u dhac siyaasadeed .

“Waxaan maqlaayay xiisad dhanka sharciga ah inuu baarlamaanka ka dhex jiro, aniga wax baan ka aqaan sharciga oo horaan uga soo mid noqday Baarlamaanka,waxaan idin leeyahay ka fogaada wax kasta oo dib u dhac keeni kara islamarkaana Caddowga dib u soo nooleyn kara”ayuu yiri Cali Jeyte Cusmaan

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa ka jira in Duqa Muqdisho uu Xabsig Guriceel ka sii daayay Haweeney deyn u xirneyd
Next articleWareer soo wajahay Ganacsatada Muqdisho qaarkood kadib amarkii kaamirooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here