MAXAAS (DAYNIILE.COM)-La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arimaha ciidamada macawisleyda Cali Jeyte Cusmaan ayaa Degmada Maxaas wuxuu ka bilaabay abaabul dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab oo doraad xoog ku qabsaay Magaalada Moqokori ee isla Gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte wuxuu kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada ee Macwisleyda Hiiraan si ay u dejiyaan istaraatiijiyad dagaal oo sida ugu dhaqsiyaha badan Alshabaab dib looga saaro Degmada Moqokori ee ay qabsadeen doraad iyo waliba deegaano ku dhaw oo laftigooda maalmo badan lagu dagaalamayay.
Diyaar garowga dagaal ee uu wado Cali Jeyte oo aan la aqoon inta ay ku qaadan karto ayaa hadana waxay ku soo aadeysaa xili Gudoomiyaha Moqokori Maxamed Cabdi Mocow uu dhawaan saxaafada u sheegay inaysan u qorsheysneyn reer Hiiraan inay dagaal rogaal celisa ku qaadaan Moqokori.
Gudoomiyaha Moqokori wuxuu cadeeyay inuu jiro khilaaf reer Hiiraan dhexdooda ah taasina ay ugu wacneyn in Alshabaab ay qabsadaan Moqkori,sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu xusay dhanka Dowladana inay caqbad kale ku noqdeen markii ay ka waayeen kaalmadii dagaalka lagu wadi lahaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
