Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay waxyaabaha keenay iney is qabtaan isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ee sababay in xilka qaadis lagu sameeyo.

Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Hirshabeelle ay isku qabteen arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in Cali Guudlaawe uusan raali ka aheyn dagaalkaas.

Advertisement

“Waxaan isku qabanay horumarka umadda wax kale isku ma naan isku qaban waxyaalaha Soomaalidu hadal heyso isku maan qaban oo Hirshabelle raali kama aheyn inaan cadowga ka saarno dalka waxaana caddeyn u ah dhowr dhacdo oo ay sameynay hal maalin Cali Guudlaawe kama hadlin guulaha aan ka gaarnay dagaalka illaa aan ka gaarno degmada Aadan Yabaal” ayuu yiri Madaxweynaha Hiiraan State Cali Jayte Cismaan.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sidoo kale ku tilmaamay maamulka Hirshabeelle Company, islamarkaana uu isaga baxay, hadana uu yahay madaxweyne ku yimid rabitaanka dadweynaha reer Hiiraan.

“Hirshabeelle waxay aheyd Company oo hadii Company lagu qasaaro waa laga baxa ana  wan isaga baxay” ayuu yiri madaxweyne Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale sheegay in raga madaxda ka ah maamulka Hirshabeelle aysan aheyn kuwa u qalma hogaan bulsho.

“Aniga labada nin ee hadda Hirshabeelle ugu sareysa iyagoo Miyiga ku nool ayaan dowladnimada qeyb ka ahaa oo aan lasoo shaqeyay, marka Guudlaawe iyo Dabageed ma ahan laba nin oo leh aqoon hogaamineed ama u qalama iney shacab hogaamiyaan” ayuu yiri Cali Jeyte.

Si kastaba ha ahaatee Baledweyne waxaa wali ka taagan khilaafkii ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte, taasoo keentay in Baledweyne uu kaga dhawaaqo Cali Jeyte maamul la baxay Hiiraan state oo uu madaxweyne ka yahay, waxana xusid mudan in Baledweyne ay ku wada ku sugan yihiin masuuliyiin kala sheegta maamulada Hirshabeelle iyo Hiiraan State.

Previous articleMareykanka oo shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee Soomaaliya
Next articleDEG DEG: Madaxweynaha Koonfur-galbeed,Cabdicasiis Laftagareen oo isku shaandheyn iyo magacaabiis ku sameeyay Golaha wasiirrada ee Koonfurgalbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here