Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Ciidamo macawisley kula hadlaayay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa daboolka ka qaaday inay weeraro ku qaadayaan Alshabaab.

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay inay ugu tagi doonaan dagaalamayaasha Alshabaab halkeey joogaan islamarkaana aysan ka hari doonin meel kasta ay tagaan.

Advertisement

“anagaa weerareyna oo ugu tageynaa godadka ay ku jiraan mana ka hari doono dhankeey u dhaqaaqaanba”ayuu yiri Cali Jeyte oo ku caan baxay la dagaalanka Alshabaab.

Sidoo kale wuxuu ka digay in Dagaalka Alshbaab  la siyaasadeeyo ayna xaaraan tahay dhaqanka nuucaas ah, wuxuuna codsi arimahaas ku saabsan u direy Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warka Masuulkaan wuxuu imaanayaa xili bilihii ugu danbeeyay uusan ka jirin  Hiiraan dagaaladii cuslaa ee dhex mri jirey Alshabaab iyo ciidamada deegaanka oo garab ka helaya kuwa Milatariga Soomaaliya,waxayna dagaaladu u bateen Galgaduud,Sh dhexe iyo Mudug.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDalalka ay Ciidamada ka joogaan Somaliya oo aqbalay Codsigii Madaxweyne Xasan
Next articleWaraabayaal duulaan ku qaaday tuulo ku dhaw Magaalada Gaarisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here