Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan uu iska diiday casuumad uu u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Cali Jeyte in uu yimaado magaalada Muqdisho, si ay uga wada hadlaan xiisada siyaasadeed iyo khilaafka ka dhashay xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Advertisement

Sida aan xogta ku helnay Cali Jeyte ayaa dhagaha ka fureestay casuumada uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana guddoomiye Cali Jeyte galay tuhun la xariira haddii wadahadalada fashilmaan in xabsi guri lagu galiyo Muqdisho.

Cali Jeyte ayaa u sheegay dad u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh in uusan tageyn caasimadda dalka, waxa uuna dhankiisa madaxweynaha ku casuumay in uu yimaado Baladweyne.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa magaalada Baladweyne kaga dhawaaqay maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State, waxa uuna Cali Jeyte meesha ka saaray gabi ahaan jiritaanka Hirshabelle, isagoona diiday in Hiiraan yimaadaan xubno katirsan maamulkaasi.

Previous articleSAWIRO:- Ciidamo horeh oo gaaray Laas-Caanood iyo xiisad ka taagan
Next articleBooliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedeysan fal dambiyeed culus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here