Muqdisho (dayniiile.com)-Siyaasiga Cali Jeyte Cusmaan oo ah u qeybsanaha Madaxweynaha Xasan  ee arrimaha Ciidanka macawislayda ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.
Cali Jayte Cismaan wuxuu durba booqday xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA halkaasuu uu kula kulmay
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.
Labada Masuul waxay isla soo qaadeen sidii loo xoojin laha howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaannada laga xoreeyay Al-shabaab  iyo ka warqabka qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya nabadeynta waddanka.
Cali Jeyte ayaa dhawaan loo magacaabay inuu Madaxweynaha u qeybsanaado dhanka Ciidamada Maawisleyda wuxuuna maanta kulankii ugu horeeyay ee shaqadiisa la yeeshay Gudoomiyaha Hay’da Maareynta masiibooyinka si uu raashin ugu helo ciidamadaasi.
Dhanka kale Guddoomiye Maxamuud Macallim ayaa u ballan qaaday Cali Jeyte wada shaqeyn buuxda in hay’adu la yeelan doono.
“hay’addu si dhow ayay Macawisleyda ugala shaqeyn doontaa arrimaha samafalka”ayuu yiri Maxamuud Macalin
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 2 people, car, suit and roadMay be an image of 1 person, television and newsroomMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 2 people, dais, newsroom and the Oval Office
Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo ka qeybgalay siyaarada Sh.C/qaadir Jeylaani+SAWIRRO
Next articleOdayaal loo xirey inay ku lug leeyihiin dagaal laba Beelood ka dhexeeya 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here