Siyaasiga Cali Jeyte Cusmaan oo ah u qeybsanaha Madaxweyne Xasan ee dhanka Macawisleyda ayaa hadalo guubaabo ah u jeediyay boqolaal Macawisleyda  Beeshiisa Xawaadle ab.

Cali Jeyte oo aad u amaanay dagaal yahanada Beeshiisa ayaa ku booriyay macawisleyda Xawaadle inay u diyaar garoobaan xoreynta Galbeedka Hiiraan  Madaama ay Bariga xoreeyeen.

Advertisement

Beesha Xawaadle ayaa ku badan Bariga Hiiraan, dagaalo adag kadibna way ka saareen inta badan dagaalamayaasha Alshabaab.

Cali jeyte ayaa Macawisleyda reerkiisa wuxuu u sheegay inay isu diyaariyaan goobaha kale ee Alshabaab ka joogaan Hiiraan sida dhanka Galbeed.

“Wax macne leh  ma keeneyso guusheenu hadii aanan ka muuqan xitaa deegaano Hiiraan ka baxsan,sababtoo ah Alshabaab waa halka caddow oo Soomaali ay leedahay”ayuu yiri Cali Jeyte.

“sida Ameerikaanku Dunida uga Muuqdo Xawaadle waa inuu Hiiraan meelaha ka baxsan ka muuqdaa”ayuu mar kale yiri Cali Jeyte.

Hadaba Faahfaahinta warka Cali Jeyte oo meelo badan taabtay halkaan hoose ka DAAWO muuqaalka TV-ga Qaranka.

Previous articleGudoomiye xigeenkii Xamarweyne oo Alshabaabnimo loo heysto
Next articleRuushka iyo Iimaaraadka oo Musiibo ku tilmaamay Talaabadii Mareykanku ku diiday Xabad joojinta Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here