Cali Khaliif Galeyr ” Sool, iyo Sanaag sida loo dhisay Galmudug waa loo dhisi karaa haduu farmaajo daacad yahay

0

Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatuma, Cali Khaliif Galeyr ayaa jawaab kulul ka bixiyay maalmi kadib hadal ka soo yeeray Madaxweyne  farmaajo oo ahaa arinta Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Cali Khaliif ayaa ku tilmaamay  jawaabta la’aanta madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa Su’aashii la waydiiyay ee Sool, Sanaag iyo Ceyn in ay tahay mid Fashil ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Soomaliya uu ka filayey inuu maamul u dhiso gobolladaasi, balse ay lama filaan ku noqotay hadalka u bixiyey.

“Sool, Sanaag iyo Cayn waxba uma yaalaan Xamar kadib jawaab la’aantii Madaxweyne Farmaajo, waxaan islahaa Farmaajo wuxuu goboladaas u ogolaanayaa Maamul inay dhistaan ileen dowlada ayaa dhistay maamuladaan kale.” ayuu yiri Cali Khaliif.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in  Dhibaatadii laga maray Galmudug hadii laga mari lahaa, Sool, Sanaag iyo Ceyn in ay yeelan karto maamul loo dhan yahay oo dadka Deegaanka dhistaan.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here