HAMBALYO:- Reer Koonfur Galbeed Hambalyo, guushaan waxaad ku gaarteen midnimadiinna, ismaqalkiinna iyo hoggaankiina, sidoo kale Hambalyo hordhac ah Xildhibaan Sareedo oo isla Beri Baydhabo lagu markale lagu dooran doono.

TACSI: Waloow aan ka mid ahaa tiro dad tiroyar oo markii horaba wanaag u rajeysay ismuujintiisii mashruuca Baydhabo hadana,Madaxweynaha Galmudug waxaan uga tacsiyadeydanaa musiibada iyo haziimada Siyaasadeed ee uu caawa Baydhaba la seexanayo.

Waxaa jira eray-bixin cajiib ah oo aan ka bartay Danjire Yusuf Garaad taas oo ah ( Is-been-farriin) waxaa kale oo iyana jirta oo taas la macna ah kalmadda (ismaqiiq) natiijada uu Madaxweynaheenna Galmudug caawa dhaxlau waa mid ka ta timid safarkii Is-Been-farriinka iyo ismaqiiqa ahaa ee ka dhashay labo Whatsup Call oo la isku camiray iskuna maray Muqdisho-Dhuusamareeb-Baydhabo.

Reer Baydhabo iyagu guushooda in ay xaqiijiyaan ayay tabartooda iskugu geeyeen waqtina iskama galin hardanka Baydhabo ku dhexmaray Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyne Qoorqoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here