Waa Habeennimo Khamiis soo galeyso saacadunna waa 01:58 AM waxaan ka soo baxay guriga Agaasimaha Hey,adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo aan iga fogeyn, qof ayaan uga sheekeynayaa riyo aad u murugo badan oo aan galabtii ku riyooday! taas oo la igu tusay Qeyb hilibkeyga ka mid ah oo la jarayo iyo musiibo geeriyaad oo la i horkeenay, aniguna aan usheeg oo celi is leeyahay laakiin la iga diidan yahay.

waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo aan kala joogsi laheyn, ma jirto qof garan kara waxa rasaastu tahay laakiin waa mid aan sannadahaan magaalada laga maqlin, wax yar ka dib waxaa Gacanka Booliska laga sheegay inuu jiro shil ka dhacay meel u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howlwadaag, markale ayaa gacanka Booliska laga sheegay inuu jirto qasaaro gaartay masuul Gobolka Banaadir ka tirsan, Daqiiqad ka dib waxaa Telefanka gacanta iga soo wacay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dayniile Faracadde oo igu yiri “Guddoomiye ninkii Cabdixakiin Dhagajuun ahaa Allaha u naxariisto hadda ayaa la dilay wuxuuna ii raaciyay waxaa dilay askar Booliska ka tirsan”

Markaas wixii ka danbeeyay ilaa galabta marxaladdii aan galay ma ahan mid qoraal lagu soo koobi karo.

Shalay waxaan Goobjoog ka noqday iyada oo saf loogu jiro in Badeel ciid ah qabrigiisa lagu shubo, qofka in Ciidda lagu shubo safka loogu jiro waa mid ka mid ah 4-tii qofood oo aan dunida iigu dhawaa Abdixakiin Cabdiraxmaan Ciise, oo ii wada ahaa, walaal, gacan midig, saaxiibkeey, shaqo wadaag, La-taliye, Caqli iyo Xoog.

Inta la hubo dilka Guddoomiyaha waxaa ku eedeeysan 7 nin oo Boolis ah, waxaa xiran Lix ay ku jiraan Labo Taliye Saldhig, waxaana gacanta laamaha amniga ka maqan hal nin oo baadigoob adag loogu jiro.

Dilka loo geystay masuulka ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ma ahan mid la fududeeysan doono oo laga soo qaadi doono shil caadi ah oo iska dhacay, wuxuuna tijaabo u noqon doonaa dadka aan nahay iyo waxa aan u taagannahay.

Laamaha Amniga gaar ahaan Booliska Qeybta waxay ammaan ku mudanyihiin sida ay Saacad gudahood hubka uga dhigeen una soo xireen Lix ka mid ah Todobbadii qof ee dilka ku eedeysnaa.

Waxaan u Mahadcelinayaa Kumanaankii ruux oo na garab istaagtay walina na garab taagan, waxaan si gaar ah ugu Mahadcelinayaa walaalkeey Cabdi Xafiid oo runtii noo ahaa Lafdhabarka sidii uu si wanaagsan aasku noogu dhici lahaa.

Dhiiggii Cabdixakiin laga daadiyay ma noqon doono biyo daatay sidaas daraadeed waxaan dhammaan dadka arrinkaan ku lugta leh ka codsanayaa in Baaritaanka laga warsugo lana ixtiraamo saraakiisha baaritaanka gacanta ku heysa.

Waxaan ka digaynaa in Hal eedeeysane oo maqan loo ekeeysiiyo inuu yahay ninkii Guddoomiyaha dilay si Lixda eedeysane oo xiran looga dhigo kuwa danbi-laawayaal ah.

Anigu Cabdixakiin waan waayay mana awoodin inaan ceshado, laakiin waxaan awoodaa in uusan isagu waayin Cadaalad.

 

Hadooe masuul kastaa kan Jufadiisa sidaan Cadaalad ugu raadinaayo  yaa dadka masuil heysan cadaalad u raadinaayo Jawaab u baahan in laga Jawaabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here