Cali yaxye waa agaasimaha hay’adda nabadda Yaxye Foundation, waana xubin firfircoon oo ka tirsan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands.

Cali yaxye, qoraal dheer oo uu ka soo saaray wuxuu  kaga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, waxaanna warbixintaasi ay u qornayd siddatan:-

 

Aragti Ali Yahye Janaayo 2021

MADAXWEYNENIMO IIBSI AH!

Ayaa maal gashada siyaasiyiinteenna (musharrixiinta), waana maxay sababta loo maal gashanayo?

Waxaannu soo gaarnay xagaagii siyaasadda, qaasatan xilligii doorashada. Sida la maleynayo, waxaa dhici doona doorasho dadban oo madaxweynenimo, bisha Feberaayo ee foodda inagu soo haysa.  In ka badan 300 oo xildhibaanno oo ka kala socda aqalka sare iyo kan hoose ayaa waxay inoo doori doonaan madaxweynaha afarta sano ee soo socota.

Shacabku wuxuu afka ku hayaa oo si aan gambasho lahayn isula dhexmarayaa in uu musharraxa ugu lacagta badan noqon doono shaqsiga ku guuleysan doona doorashada xilka madaxweynenimo.

Haddii aan si kale u dhigo, xafiiska iyo masuuliyadda ugu sarreysa ee waddankeennu waa mid iib ah!

Arrinkan isaga ah aad ayuu ii walaac gelinayaa, isla markaana waa arrin qatar weyn ku ah aayaha waddankeenna Somaliya.

Ugu horreyntii ii oggolaada in aan carrabka ku dhufto, xushmadda qotoda dheer leh ee aan u hayo guud ahaan siyaasiinta Soomaalida ah. Siyaasiintan iyo dhammaan tartamayaaha siyaasadda aad iyo aad ayey muhiim ugu yihiin habka dimoqraadiya siyaasadeed iyo mustaqbalka waddankeenna. In aad u soo istaagtaan isla markaana tartanna usoo gashaan xilkan sharafta badan leh, iyada oo lagu jiro waqti aad u adag waxa ay ka tarjumeysaa kartidiina iyo geesinimadiina.

Waxa aan ogahay oo aan caad iga saarney, in aad qaadaneysaan qatar iyo halis weyn oo ku aadan nafsadda carruurtiinna, reerkiinna iyo tiinnaba. Arrinkan dartii ujeeddadeydu ma ahan in aan shaqsi gaar ah dhaliilayo. Dhaliisheydu waa mid ku aaddan musuqmaasuqa siyaasadda guud ahaan; qaasatana iibsashada awoodda madaxweynenimo. Waa arrin la fahmi karo in xisbiyada siyaasadda, amaba siyaasiinta usoo istaagay tartanka madaxweynenimo ay ubaahan yihiin qarash ay kaga qayb galaan tartanka siyaasadeed. Arintaa ma ahan mid wax qalad ah oo ay dood ka taagan tahay. Laakiin arrinka in wax la iska weydiiyo mudan ayaa ah; ayaa maal geliya siyaaasiyiintan usoo istaagay tartanka madaxweynenimo? Sababta oo ah waan ogsoon nahay in dhammaan tartamayaashan ay iyagu shaqsi ahaan isa soo sharraxeen, hammiga siyaasadeed ay iyagu qabaan dartii.

Waxaannu ogsoon nahay in aysan jirin xisbiyo siyaasadeed oo leh dastuur, qorshe siyaasadeed oo meel ku qoran ama xubno shacab ah oo xisbiyadan ka tirsan oo bixiya qarash ay ku taageerayaan hammiga iyo ujeeddada xisbigaa u taagan yahay. Musuq-maasuqa siyaasadda; Sidee doorashadii tagtay wax u dhaceen? Ilo kala duwan ayaa sheegayey in ay goob joog ka ahaayeen, xarumo lagu kala iibsaneyey cododoka xildhibaanada. Qaarkoodna waxa ay sheegayeen in ay doorashadaa ahayd middii ugu qaalisanayd ee soo martal taariikhda Soomaaliya. (BBC News 2017).

Wadamadda lagu tuhmayo in ay maal geliyaan, siyaasiinta Soomaalidda ee u tartamaaya xilka madaxweynimo waxaa ka mid ah Midowga Imaraad Carab, Qadar, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya. Wadamadan ayaa maalgelin ku sameysanayey siyaasiinta Soomaalida si ay danahooda dhaqaale iyo tan siyaasadba uga helaan. Waxaa la sheegayey in xildhibaanada qaarkood ay goobta ay doorashad ka dhaceysay la taagnaayeen, taleefanadooda gacanata (Mobile), si ay sawiro uga qaataan warqadaha codeynta iyaga raba in ay taa ku cadeeyaan, qofka ay codkoodii siiyeen. Warbixino aan la hubin ayaa iyagana sheegayey in cododka lagu kala iibsanayey lacag gaareysa ilaa $30,000 (BBC News 2017).

Bal haddii aanu xisaabino doorashada sanadka 2021. Haddii aanu ka talaabo qaadno in sicir-barar yimid, sidda dadka badidii ay afka ku hayaan. Codkiiba waxaa la sheegayaa in doorashadan ugu yaraan $ 50,000 lagu kala iibsan doono. Haddii aanu ka talaabo qaadno in aad u baahan tahay; 175 cad heshaa si aad ugu guuleysato doorashada. Marka xisaabtu waxa ay noqonaysaa: 175 codad x $ 50,000 = $ 8,750,000. Qarash ilaa iyo $ 8,750,000. gaaraya haddii aad miiska soo saarto, waxaa aad u kordhaaya fursada aad madaxwenye uga noqon karto Soomaaliya. Soomaalaay sow raqiis maahan in qiyaastii lacag gaareysa 9 milyan oo dollar, lagu iibsan karo xilka madaxweynimo oo ay la socdaan dhul baaxad weyn leh oo aad u qurrux badan, oo la riman qayraad aan la qiyaasi karin iyo dad lagu qiyaasayo in ay ka badan yihiin 16 milyan? Arimahan kor ku xusan dartood waxa aad iyo aad loo fahmi karaa, mudane madaxweyne in shacabka aad rabto in aad hogaamiso ay isla dhexmarayaan, mala-awaal badan iyo sheekooyin kutiri ku teen ah.

Sidda uu shacabku aaminsan yahay ayaa ah in dhamaan tar-tamayaasha siyaasada ay yihiin kuwo u adeega oo ay soo maal gashteen quwodo shisheeye, shirkhado ajaanib lee yihiin amaba shaqisyaad hanti leh iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Xaqiiqdii waxaa la is weydiinayaa oo walaac weyn laga qabaa; Ayaa daba taagan oo maal gashada siyaasiinteena? Waxaa arimahan dartood markiiba miiska soo koraya, sidee lagu aamini karaa siyaasiintena? Maxay tahay ujeedada dhabta ah ee ay lee yihiin quwadahan naga qarsoon een iibsnaya madaxdeyna? Maxay inaga doonayaan oo ay inaga rabaan? Maxay tahay danaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay lee yihiin? Iyo toloow dhulkeena ma yahay mid si dhab ah xor u ah? Quwadahan busta isku soo qariyey iyo ujeedooyinkooda inaga dadban waxa ay halis ku yihiin horumarka iyo aayaha wadankeena. Shakiyadan badan iyo baqdinta ay qabaan shacabka Soomaalida ah waa mid sax ah, inta ay siyaasiinta soomaalida ah ku guuleysan in ay cadeeyaan meelaha ay ka keeneen qarashaadka ay ku bixinayaan doorashadooda. Ilaa iyo hada siyaasiinteena kuma aysan guuleysan in ay inaga bixiyaan shakigan inagu jira iyo kalsoooni xumada aanu u qabno siyaasiinteena.

Waxan u janjeersanayaa oo aan u liicayaa in aanu siyaasiinta siino fursad ay inooga bixiyaan kalsooni xumada ay iyagu inagu abuureen. Laakiin waxaa sharuud ah in ay marka hore diyaar u yihiin in ay inla qaybsadaan oo ina tusiyaan meelaha ay ka imaanayaan qorashka ay doorashada kaga qayb geleyaan. Sabata oo ah iyaga ayey saaran tahay masuuliyada koowaad, waa in shacabkooda ay doonayaan in ay hogaamiyaan ka bixiyaan shakigan iyo tuhunkan badan ee ku habsaday.

Xaaladaha guud ee jiro dartood, masuuliyada koowaad waxa ay saaran tahay siyaasiinta usoo istaagay in ay u tartamaan xilka madaxweynanimo in ay daaha ka qaadaan oo qaawiyaan meesha ay kala yimaadeen qarashka ay doorashada kaga qayb geleyaan. Isla markaana waxa ay masuuliyad taa la mid ah saaran tahay xildhibaanada labada aqal iyo gudiyada loo xil saaray la dagaalanka musuqmaasuga siyaasadda in ay si dhab ah ula dagaalamaan mususmaasuqa isla markaana ay shabka Soomalida ah la wadaagaan haddii ay arkaan arimo musuqmaasuq ah, waa in ay waqtiga saxda ah ee ay mudan tahay la qaybsadaan shacabka.

Waxaa iyaguna masuuliyad qaas ah saaran tahay ururada bulshada oo ay ugu horeeyaan Saxaafada, Jaamicadaha iyo Culuma-udiinka. Waxa aan u qaylo dhaaminayaa in ay ururada bulshada ah, aysan arimahan quseeya musuqmaasuqa ka jira siyaasada ay si dhab ah uga doodaan isla markaana wacyi geliyaan dhamaan umadda Soomaalida.

Waa in la abaabulaa doodo shacab oo is daba joog ah, laguna soo casuumaa siyaasiinta ka soo qayb geleyaa tartanka siyaasada, waana in si adag looga wareystaa oo ay cadeeyaan meesha ay dhaqaalaha ay ku geleyaan tartanka siyaasada kala yimaadeen iyo danaha ay leeyihiin dadka ama wadamada bixinaaya qarashkaa. Mustaqbalkana waa in baarlamaanka iyo dowladda la yimaadaan sharciyo la dagaalamaaya musuqmaasuqa siyaasada. Waa in xisbi walba ama shaqsi kasta oo isu soo taagayo xil shacabeedin uu soo bandhigaa qarashka uu kaga qayb gelaayo tartanka siyaasada meesha uu kala yimid. Sababaha keenaya in ay shacabka Soomaalida ah la shaqen waayeen dowladooda, waxay salka ku heysaa in aysan kalsooni ku qabin guud ahaan siyaasada gaar ahaan hogaamiyaasha wadankeena. Arinkan waxa uu ka imanayaa in aan hoogaamiyaasheena ku tuhmeyno in ay u shaqeynayaan quwada shisheeye.

Kalsoonida iyo in shacabkaaga kula shaqeeyaan oo ay u hogaansamaan hogaankaaga waa arinka ugu muhiimsan oo ay dowladaadu ku hirgeli karto shacabkeedana ugu adeegi karto. Haddii aanu nahay shacabka waa in aanu dhaylsan halista ka imaan karta musuq maasuqa siyaasada iyo in ay wadankeena soo fara geliyaan quwado aanan anaga kantarooli karin oo aanan la xisaabtami karin. Waa in waqiga ay mudan tahay ee ay taagan tahay hogaamiyaasheena u cadeynaa in uusan wadankeenu iib ahayn. Dhulkani ma aha mid ay siyaasiyiin leeyihiin, waa hanti shacab oo dhaxal ah, dhiig badanini loo soo daadiyey. “KUMA AYAA XAQIIQDII U TALIYA DALKEENA?”

Ali Yahye Yahya Peace Foundation E. info@yahyapeacefoundation.org Rotterdam, The Netherlands Janaayo, 2021

Sources: – U4 Anti-Corruption Center, Somalia: Overview of corruption and anti-corruption https://www.u4.no/publications/somalia-overview-corruption-and-anticorruption – BBC News, Somalia’s Mohamed Abdullahi Farmajo chosen as president: https://www.bbc.com/news/world-africa-38904663

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here