Jowhar: 29, Oktoober, 2023: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Wafdigaan oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo Wakiilada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee FAO, IOM, UN-Habitat, UNIDO iyo UNEP.

Advertisement

Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatay wafdigan waxayna ka wada hadleen kor u qaadista Mashaariicda horumarinta iyo ka doodista Mashruuca Biyo-xireenka Jowhar ee (JOSP).
Mashruucan wuxuu ka qeyb qaadan doonaa xal u helista maareynta fatahaadaha wabiga shabeelle iyo biyo la’aanta xiliyada abaaraha kaas oo wax weyn ka tari doona Kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay ugu horeyso wax soo saarka beeraha.

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA
DOWLADDA HIRSHABEELLE

Previous articleGudoomiye Adan Madoobe oo Dalka dib ugu soo laabtay
Next articleMadaxweynaha Gal-mudug oo saxiixay heshiisyo kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here