BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Boosaaso ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa wali si xowli ah looga dabulayaa oo looga dhoofinayaa Niman Calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Dalka Colombia si ay usoo laayaan shacabka Muslimiinta ah ee Sudan taasoo mustaqbalka dhawna godob ku noqol karta Soomaalida.
Ciidamadaani calooshood u shaqeystayaasha ah waxaa maal-gelinaya,isku keenay islamarkaana mushaar siinaya Dalka Imaaraadka sida aan xogta ku helnay kuwaasoo marar badan Dowlada Sudan ay ku eedeysay inay maalgeliyaan kooxaha Dowladaasi ka soo horjeeda ee inta badan looga adkaaay dagaalka Sudan.
Dowlada Imaaraadka Carabta ah oo dal Islaam ah ayaa la rumeysan yahay inay lug ku leeyihiin dagaalada ka socda dalal dhowr ah , Somalia marka la eego saameyn badan ayay ku leeyihiin iyagoo lacag adeegsanaya, tusaale Maamulka Puntland waxay dhaqaale badan siiyaan Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Deni taasoo u sahashay inay adeegsadaan Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Sidoo kale Imaaraadku waxay xiriri la leeyihiin Madaxweynaha Sooamaliya walow aysan sida Puntland balse ma jirto xiriir ku saabsan waxa boosaaso ka socda oo kale walow dalka oo dhan ay Dowladu maamusho iskamarkaana ay awoodo inay hawada Somalia ka xirto dhaq dhaqaaqa Imaaradka hadana Madaxweyne Xasan muusan qaadin talaabadaasi.
Wargeyska The Guardian ayaa dhawaan daabacay wareysi uu la yeeshay mid ka mid ah raga calooshood u shaqeystayaasha ah oo cadeeyay in isaga koox uu ku jiro heshiis lala galay laga keenay dalkooda la geeyay Somalia gaar ahaana Boosaaso-Puntland kadib heshiis 2600 Doolar ah ay ku aqbaleen inay Sudan ka dagaalamaaan iyagoo garab siinaya kooxaha Dowlada Sudan ka soo horjeeda.
Nin Kolonbiyaanka ah ee wareysiga siiyay Wargeyska The Guardian wuxuu cadeeyay in Boosaaso diyaarad laga saaray sidaasna ay ugu anbaba-baxeen si ay ula soo saftaan Jabhada RSF ee dagaalka kula jirta Dowlada iyo shacabka Sudan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
