CAMBAARAYNAYAA isku dayga iyo Jahwareerinta iyo Shaki Gelinta ee UGAAS MAXAMED UGAAS XAASHI UGAAS XIRSI ka dhex wado Shacabka Jubbaland dhexdiisa.

0

Waxaan CAMBAARAYNAYAA isku dayga iyo Jahwareerinta iyo Shaki Gelinta ee UGAAS MAXAMED UGAAS XAASHI UGAAS XIRSI ka dhex wado Shacabka Jubbaland dhexdiisa.

Hadalkii uu shalay uu saxaafadda kaga hadlay Magaladda Muqdisho isagoo soo Urursaday Koox aan U dhalanin Degaanka Jubbaland. Weligoodna aan Arag Jubbaland

 

Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi waxaan leeyahay Somaalidu waxaa ay ku Maahmahdaa

” “ HAL DIIDAN ama WAX DAMACSANI geed ay ku XOQATO ma waydo.

GARBAHAREY AMA BARDHEERE waxaa laga xukumaa Magaalo Madaxda Ku meel Gaar Jubbaland ee Kismaayo. Shirweyne aan ogolaansho ka haysanin Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland General Maxamed Warsame Darawiish laguma qaban karo.

Ugaas waxba ha is daalinin Qof Reer Jubbaland u dhashay ee u soo socdaa shir ku sheegii aad iclaamisay shalay ma jirto .

Anigoo ah Afhayeenka Guud ISBEDELDOONKA Jubbaland Waxaan Mar labaad idin Xasuusinayaa Walalayaal in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu horey inoogu Daahfuray Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta iyo Midnimada Jubbaland .

Sidaas Awgeed . Waxaan wargelinayaa Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Iyo Taagerayaasha ISBEDELDOONKA Jubbaland Meel weliba ay ku nool yihiin in aan la mara habaabin Halka Ay GOGOSHU Taal.

SHIRKA DIB U HESHIISIINTA IYO MIDNIMADA JUBBALAND WAXAA AY GOGOSHIISU TALAA MAGAALADDA KISMAAYO.
.
Wabilaahi Towfiiq

AFHAYEENKA ISBEDELDOONKA JUBBALAND

NABADOON CABDI COLOW CUMAR SUGULLE

KISMAAYO JUBBALAND

Hala sharegareeyo mahadsanid

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here