HomeWarkiiCamera CCTV oo laga helay sawirada Gaariga Cabdi-Bilaha NISA ee isku qarxiyay...

Camera CCTV oo laga helay sawirada Gaariga Cabdi-Bilaha NISA ee isku qarxiyay Godka Jilacow

May be an image of text that says "NIS"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa dib loo baaray Camerra CCTV qeybo ka mid ah wadooyinkii uu soo maray gaarig Cabdi-Bilaha ah ee NISA ku buufsanaa magaca Ciidamada Nabad sugida NISA waxaana la xaqiijiyay inuu yahay gaariga ugu damneyn weerarka ku soo qaaday xabsiga godka Jilacow .

Gaariga Cabdi Bilaha waxaa xitaa saarnaa dagaalamayaasha Alshabaab ee ilaa caawa saq dhexe ka dagaalamaya xarunta Nabad sugida Gobolka Banaadir ee Godka Jilacow balse gaariga ayay ka degteen kadibna Cabdi Bilaha waxay u adeegsadeen qaraxii koowaad ee irida kadibna raga saaran ayaa gudaha u galay xabsiga.

Gaariga sida kaamirooyinku cadeeyeen wuxuu soo maray wadooyin badan iyadoo marna laga soo celiyay galabta irdaha laga waardiyeeyo madaxtooyada sida warar caawa soo baxay ay sheegeen kadib ayuuna dhankaan godka jilcow soo aaday.

Waxaa la yaab leh rinjiga loo ekeysiiyay NISA ee ku buufsan gaariga Cabdi-Bilaha ah  inuusan sax ahayn oo la dareemi karo in si un wax uga qaldan yihiin balse nasiib daro ciidamadu way ku baraarugi waayeen.

XAIISKA May be an image of text

May be an image of text that says "NIS"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -