HomeWarkiiCaqabad soo wajahday habsami u socodkii Dekada Boosaaaso

Caqabad soo wajahday habsami u socodkii Dekada Boosaaaso

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Dekada Magaaladaasi ay soo wajahday caqabado dib u dhac u keenay hab sami u socdka shaqadii Dekadaasi xili Shirkada DP World ay maamuleyso.

Caqabadaha Dekada la soo dersay ayaa yimid kadib markii sida la sheegay marinka dekedda ay ka buuxsantay carro taaso keentay in Doon siday badeecado kala duwan ay caradu ku dhegto intii aysan gaarin halkii loogu talo galay in looga dejiyo rarka.

Doontaan markii ay dhaqaaqi waysay ayaa doon kale la dalbaday si looga daabulo rarka saaran walina maamulayaasha dekada caqabadahaan si rasmi ah uga hadlin,

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya caqabadaani dooman kale oo dekadaha ku soo socday ay saameyn ku yeelatay.

Doonta rarka dejin waysay markii caradu ku dhagtay ayaa ka timid dhanka dalka Cumaan waxayna siday badeecado kala duwan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed,Maamulka Puntland waxaa lagu wadaa inay cadaadis saaraan shirkadda DP World ee maamusha Dekada si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka soo kordhay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -