Intii lagu jiray dagaalka lagu doonayo kursiga talada, waxaa la adeegsaday xeelad walba oo lagu heli karo kursigaas, taasoo leh faa’iido iyo dhibaatooyin mahadho ah.

Maamulka jubbaland waa hlak koowaad ee ay kataagan taahay caqabadda hortaala madaxwayne Hassan sheeq Maxamuud, Tagaeeradii xooganayd ee uu siiyay hogaanka axmad madoobe ayaa waxaa dhib wayn kasoo gaaray siyaasiyiinta gobolka Gedo, kuwaasoo u arka madaxwayne Hassan sheeq & Xusbigiisa cadowgooda koowaad.

Xal laga gaaro arrintaasna waa mid qaadan doonta ugu yaraan Labo sano, shacabka Gedo waxay kuqancaan in Axmed madoobe labadalo oo lasameeyo Maamul cusub oo ay iyaga qayb wayn kuleeyihiin, halka heshiiska axmed madoobe kutaageeray doorashada madaxwayne Hassan sheeq shardi u ahayd in uu Axmad madoobe garab kusiiyo sii hogaaminta jubbalanad shaqsiyan ama koox ahaan, labadaas arrimood oo ah kuwo isdiidan ayaa sababaya in aan xal deg deg ah lagagaarin mashaqada taala Jubbalanad gaar ahaan Gado.

Koonfur galbeed, Madaxwayne Hassan sheeq waxa uu dagaal siyaasadeed lagalay maamulka hada kataliya koonfur galbeed, kaadiriin waawayn oo katirsan xisbiga UPD ee Hassan sheeq hogaamiyo ayaa laga reebay tartanka xildhibaan ee dbawaan laqabtay, sidoo kale siyaasadda koonfur galbeena banaanka laga dhigay, waxaana cakirnaan doono isfahamka Maamulka Laftagareen & Madaxwayne Hassan sheeq , taasoo iyadana noqon doonto caqabad kale oo udhiganta tii dhaxtaalay Higaankii farmaajo & Jubblanad.

Waxaa suuratgal ah in ay iskusoo dhawaadaan siyaasadda Kenya iyo soomaaliya, laakiin taa badalkeedna ay kala fogaadaan Ethobia & Soomaiya, afar sano oo kalana lamaqlo Kenya waa Saaxiibkeena koowaad Ethobiana wa cadowgeena koowaad, Xusuusnoow Koonfur galbeed waxaa kuxoogan ciidanka Ethobia aida jubbalanad ugu xoogan yihiin kuwa Kenya.

Caqabad kale ayaa ah isbadalka siyaasadda gudaha Xukuumadda, Taageerayaashii dibed jooga ahaay 5tii sano ee lasoo dhaafay & kuwa gudaha xukuumadda kunoolaay waxaa kadhaxeeya cadaawad fogaatay, isbadalka in kuwii banaanka kaqaylin jiray ee Dowladdii farmaajo fogaysay gudaha lasoo galiyo, taa badalkeedna kuwa gudaha & qabowga Mukayfka kuwii kunoolaay banaanka loo saaro waa xaqabad kale & Loolan kale oo cadaawadeed oo halkiisa kasii socda.

Waxaanse rajaynayaa in madaxwayne hassan sheeq layimaado Khibrad Xal laga baaraandagay kudhisan oo xal unoqota Caqabadahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here