GARISA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Ismaamulka Garisa ayaa sheegaya in kooxo tuugo ah halkaasi ka xadeen oo gaari ku riteen laba caruur Soomaaliyeed ah kuwaasoo u socday Dugsi Quraan xoogaa ka yara fogaa gurigooda.
Labada cunug oo si afduub oo kale ah xoog loogu saartay gaari nuuciisu yahay Land Cruiser Prado ayaa da’dooda lagu kala sheegay 10 jir iyo 7 jir, waxaana nasiib wanaag arkayay xiligaasi qaar ka mida dadka reer Gaarisa kuwaasoo markiiba si degdeg ah ugu wargeliyay Booliiska.
Taliska Booliiska ayaa markii lagu wargeliyay markiiba waxay warbixinta u qeybiyeen talisyada kale ee Booliiska gaar ahaan baraha koontaroolada dalka ee gaadiidka lagu hubiyo.
Gaarigaan oo Lambarkiisuna yahay KDL 171S ayaa ugu dambeyn lagu qabtay bar kontorool ku yaal ismaamulka Tana River markaasoo guud ahaan gacanta lagu dhigay caruurtii iyo burcadii soo afduubatay intaba.
Waxaa la yaab leh in dhamaan afduubayashaasha ay Somalia noqdeen kuwaasoo warbaahinta iyo baraha bulshada qaarkood magacyadooda sidaan ku kala sheegeen:-
Ibrahim Saciid, 42 jir, Cali Aada Kuno, 23 jir, Khalid Cabdullahi, 25 jir iyo Malyuun Qaasim, 35 jir, dhamaantood hada waxaa ku socda baaritaataan ku saabsan cida la shaqeysay halka caruurta loo waday iyo ujeedka afduubka intaba.
Ibrahim Saciid, 42 jir, Cali Aada Kuno, 23 jir, Khalid Cabdullahi, 25 jir iyo Malyuun Qaasim, 35 jir, dhamaantood hada waxaa ku socda baaritaataan ku saabsan cida la shaqeysay halka caruurta loo waday iyo ujeedka afduubka intaba.
Si kastatab dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan sidaas oo kale Nairobi loogu qatay rag lix caruur ka xaday aa afduubtay isla bishaan gudaheeda.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM