Home Blog Page 151

Puntland: Xasan Sheikh hal sano iyo dhowr bilood baa u harsan wuu kasoo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo Garowe kula hadlay saxaafadda, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay dagaal kula jirto xasiloonida Puntland, iyadoo u maraysa siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda oo xilalka ka haya xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa caddeeyay in xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya dib loo hagaajin karo kaliya haddii dowladda Federaalka ka laabato wuxuu ugu yeeray burburinta nidaamka federaaliisimka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ay dhowreyso muddada halka sano iyo saddexda bilood ah ee u harsan Madaxweyne Xasan Sheekh. “Xasan hal sano iyo dhowr bilood baa u harsan, wuuna baxayaa,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu dhinaca kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hagardaamaynayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ay leedahay ciidan geesiyaal ah, balse aysan jirin dowlad si dhab ah u garab taagan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka aysan dib ugu laaban doonin doorasho dad ban. Isagoo sheegay in caalamka uusan diyaar u ahayn inuu la shaqeeyo dowlad ku timaada nidaam aan la aqoon.

Advertisement

Dagaal culus oo haatan ka socda deegaanka Laba garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socda deegaanka Laba garas oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka iyo kaashanaya kuwa deegaanka  oo dhinac ah iyo kuwa maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka is garabsanaya ay weerar ku qaadeen fariisimo kooxdu ku leedahay deegaanka Laba garas, waxaana la soo werinayaa in dagaalka uu yahay mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga ilaa hada khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka laga helaayo sidoo kale ay tibaaxayaan in dagaalka uu barbar socdo duqeymo culus oo laga maqlaayo meelo ka fogfog halka uu dagaalka ka socdo, taasoo lagu garaacayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaas, waxaana xusid mudan in gulufkaasi kooxda lagu gaarsiiyay jab aad u xoogan.

Advertisement

Madaxweyne Deni: Ma jiridoono ganacsade dambe oo ku marmarsiyoon doona Daacish baa cadaadis igu haysa

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta kulan la qaatay ganacsatada magaalada Boosaaso, ayaa u sheegay in aysan mar dambe kooxda Daacish siin karin wax dhaqaale ah.

Madaxweyne Deni ayaa u sheegay ganacsatada in laamaha amniga Puntland ay burburiyeen meelihii ganacsatada looga soo hanjabi jiray si ay baad u bixiyaan. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali doonin marmarsiiyo la xiriira in Daacish baad la siiyo.

“Ma jiri doonto ganacsade marmarsiinyo u heli kara ‘waa lay cadaadiyay, waxbaa la iga qaaday.’ Waxaa la rabaa in qof kasta uu dareemo inuusan cadaadis jirin. Haddii hore lagu andacoon jiray buurahaa la iga soo waco, wiilashiinnii ayaa buuraha ku sugan oo halkaas kasoo hadlaya,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni waxa uu sidoo kale xusay in Puntland ay u baahan tahay in ay kasoo kabato dhibaatooyinkii dhaqaale ee ay Daacish ku reebtay. Waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen cabsi darteed, balse hadda loo baahan yahay in ay kusoo laabtaan dalka, ayna keenaan aragtiyo ganacsi oo cusub.

Madaxweynaha Puntland ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumaddiisu ay dadaal gelinayso sugidda amniga, si aan mar kale u dhicin dayac amni.

Advertisement

Hey’adda NISA ayaa xaqiijisay howlgal duqeyn ah oo xalay lagu dilay Horjooge sare

Hey’adda NISA ayaa xaqiijisay howlgal duqeyn ah oo xalay lagu dilay Horjooge sare oo lagu magacaabo Farxaan Cusmaan Xasan oo loo yaqaano Jacfar Karuur, kaasoo ahaa Madaxa Qaraxyada AS ee Gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose

Ninkan oo muddo lagu daba jiray ayaa lagu aqoonsaday magaciisa shabakado horay hey’addaha Amniga gacanta ugu dhigeen oo qaraxyo fara badan ka geystay magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa duqeynta lagu dilay Axmed Gumaar oo ahaa Horjoogaha.

Maaliyadda ee Shabeellaha Hoose.

Advertisement

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Danjire James Swan?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay wada shaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod.

Sidoo kale,  kulanka ayaa intii uu socday waxaa carrabka lagu dhuftay hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM ee dhawaan ka billawday Soomaaliya.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay tallaabooyinka ay dowladdu u qaaday dhinacyada  dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan dowladda Soomaaliya.

May be an image of 5 people, suit, the Oval Office and newsroom

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Danjire James Swan ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya isu diyaarineyso Doorasho qof iyo cod ah, uuna dhaqan gali doono hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.

Advertisement

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay labada hindise sharciyeed, waxaana ogolaatay labada hindise meel marintooda midkiiba 141, Xildhibaan iyo 142 xildhibaan, iyadoo tirada guud ee fadhiga soo xaadirtay ahayeen 143 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Kulanka shir guddoominaayay ayaa ku dhawaaqay ansaxnimada labada hindise sharciyadeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa  Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahad celiyay sharciyada ay maanta meel mariyeen.

“Waxaa si weyn ugu mahad celinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee sida sharafka leh u meel mariyay sharuucdaan  muhiimadda weyn u leh qaranka, waxa sidoo kale u mahad celinaya guddiga maaliyada ee shaqad weyn kasoo qabtay sharuucdaan, wax ka bedelka sharciga hay’adaha maaliyadda wuxuu xoojinayo hanaanka maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka maalgelinta argagixisada” ayuu yiri Wasiir Biixi Imaan Cige.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale tilmaamay in ansixinta wax ka bedelkaan uu keeno doono iney kor u qaado awoodda dowladda ee la dagaalanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed iyo amniga Soomaaliya.

Advertisement

Weerarkii Hotel Qaahira, Beledweyne oo lasoo afjaray iyo Khasaaraha oo kordhaya

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan weerarkii Al-Shabaab subax Al-Shabaab ku qaadey hotel Qaahira oo ku yaalla galbeedka magaaladda Beledweyne, ee Caasimada gobolka Hiiraan.

 

Gudoomiyaha Baladweyne Cumar Cismaan Calasow, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in la dilay dableyda Al-Shabaab ee gudaha kadagalamaysay mudosaacado ah, iyadoo ay socoto qiimeynta khasaaraha dhimashadda ee ka dhashay weerarka culus.

Dad ka badan 100 qof oo isagu jira kuwa shir u socday iyo kuwa kale oo marti ah ayaa ku sugnaa hotel-ka xiliga weerarka, iyadoo muuqaaladii laga soo duubay ay muujinayaan burbur baaxad leh oo dhismaha soo gaarey, waxaana laga soo saarayaa meydad burburka hoostiisa.

Weerarka Hotel Qaahira ayaa ahaa mid aad loo qorsheeyay, oo Al-Shabaab uga hortagaysay gulufka dagaal ee galbeedka Hiiraan, ee lagu abaabulayay halkaas oo isagu yimaadeen Odayaal, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan, oo meelo kala duwan gobolka iyo meelo ka baxsan ka yimid.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kawaday gobolka Hiiraan abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna la kaashanaysaa beelaha deegaanka oo qeyb wayn ka qaatay wajiga 1aad ee dagaalka, oo laga gaarey guulo dhul lagu qabtay.

Advertisement

Duqeyn lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

 War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Al shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanada Damasha iyo Shabeelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay horjoogihii u qaabilsanaa kooxda Al shabaab dhanka gaadiidka dagaalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Howlgalka lagu khaarijiyay Mansoor Tima-Weeyne, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay isku-diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka ee Kooxda Al shabaab.

Nin lagu magacaabay Mansoor ee la qaarijiyey ayaa dhowaan ka yimid degaanka Buulo Fulay, waxaana waday gaadiid la dayactiray oo kooxda ay u adeegsan jirtay weerarrada argagixisada sida lagu sheegay war saxaafadeedkaan.

Intii uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale la dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Al shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, Waxaa la burburiyay saddex gaari oo dagaal, kuwaas oo ay kooxda u adeegsan jirtay weeraraadda.

Taliska Militariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Gaadiidka ay ka koobnaayen laba gaari Cabdi Bile ah, oo ay saarnaayeen qoryaha waaweyn ee Suuga iyo Dhashiikaha iyo gaari kale oo ay kooxda u adeegsanjirtay dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn war saxaafadeedka waxa lagu yiri “Howlgalka ayaa si xeel dheer loo qorsheeyay, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa xubnaha sare ee Al shabaab, Taliska CXDS wuxuu caddeeyay in duqeyntani ay dhabar-jab weyn ku tahay awoodda dagaal ee kooxda, ayna qayb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo argagixisada”.

Advertisement

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo Xirtay Mareego taageera Al-Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xiray ilaa 12 warbaahin oo nooca mareegaha ah, oo taageera Al-Shabaab, iyadoo horey ay dowladdu ugu guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg ama website oo Al-Shabaab ku lahaayeen barta internet-ka.

 

Sidoo kale, dowladda ayaa gacanta ku dhigtay xogta iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahaan iyo kuwa dhaqaalaha ku bixinayay, iyadoo xogtaasi ay sahli doonto in talaabo laga qaado dembiilayaasha Al-Shabaab ugu adeegayay hawlahan.

Inta uu socdo hawlgalka baabi’inta nooc kasta oo Al-Shabaab u isticmaalaan warbaahin ahaan, waxaa lagu burburiyay kumanaan kun oo barood oo ay ka samaysteen baraha kala duwan ee bulshada ee la isticmaalo.

Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internetka ee Al-Shabaab ayaa sidoo kale mar dhow rajaynaya inay gacanta u soo galaan website-yada kale ee Al-Shabaab ku gudbiyaan falal dembiyeedka iyo marin habaabinta.

Advertisement

Soomaaliya oo Magaalada New York kaga qayb gashay Shir Caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XJFS iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa kaga qeyb galay Magaalada New York furitaanka Shirweynaha caalamiga ah ee Komiishinka Xaaladaha Haweenka kulankiisa 69aad.

Shirweynaha Haweenka oo dhaca sanadkiiba mar ayaa waxa uu socon doonaa 10ka – 21ka Maarso (March) 2025, waxaana sanadkan diirada lagu saari doonaa in dib-u-eegis lagu sameeyo lana qiimeeyo habka ugu haboon ee loo hirgelinkaro waxqabadka bayaanka madasha haweenka iyo Natiijooyinkii kasoo baxay kalafadhigii gaarka ahaa ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kulankiisii 23aad. Inta lagu guda jiro shirwaynaha waxaa Dib-u-eegista kamid noqon doona in la qiimeeyo caqabadaha jira iyo sidii lagu xaqiijin lahaa awoodsiinta haweenka iyo habka ugu haboon ee lagu gaari karo Ajandaha 2030ka ee Horumarka Waara.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa inta lagu guda jiro shirwaynaha la yeelan doonta Shir doceedyo madax kala duwan oo ka kala socota caalamka, iyadoo Wasiiradu kaqeyb gali doonto shirar gaar ah oo ay isla soo qaban qaabiyeen dowladeena Soomaaliya iyo dowlado kale oo kamid ah saaxiibada caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Amb Khadiija ayaa kalmada furitaanka shirka kajeedin doonta iyadoo kaga hadli doonta hormarka balaadhan ee haweenka Soomaaliyeed hormuudka uga yihiin bulshada iyo qorshaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS ee ku aadan sidii lagu xaqiijin lahaa in lagaaro kaqeyb gal buuxa oo ay helaan dumarka soomaaliyeed.

Advertisement
- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS