Home Blog Page 16

XOGTA: Howlgal Baasuukayaal badan lagu holciyaya Alshabaab

MAHADAAY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Macawisleyda deegaaanka ay xalay waqti danbe weerar ku qaadeen duleedka Magaaladaasi oo ay Alshabaab ku sugan yihiin.

Taliyaha ciidamada macawisleyda Mahadaay Cismaan Beereey oo warbaahinta u sharaxay howlgalkooda xalay ayaa sheegay inay gaadeen xili ay dhufeysyada ka soo baxeen alshabaab kadibna ay ku holciyeen ilaa 8 baalaatoo oo baasuuke ah.

“Sida ay iyagu u dhaqmaan ayaan ku sameynay oo xalay ayaan ku guureynay, dhufeysyadooda ayaana ugu tagnay , 8 Baasuukana waa ku garaacnay  dagaalka ka hor”ayuu yiri taliye Cismaan Beereey.

Mar wax laga weydiiyay hadii ay jiraan khasaare ay gaarsiiyeen ayuu sheegeen inay dileen 4 alshabaab ah deegaanka Cali Fooldheere oo ka mida deegaanada hoos yimaada Magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe

“caway ahayd wax badan ma ogaan karno waa arkaayay booshash ay  wiilasha qaar ka soo furteen khawaarijta laakiin qoryihii waa la baxsadeen”ayuu yiri Taliyaha .

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay inay dhufeysyada aagaga ore ee ay ugu tageen ay la wareegeen islamarkaana ay saaka 7-dii aroornimo gurmad ka heleen ciidamada Xoooga Dalka.

“sideedaba wixii gaadmo ah anagaa aadna, ma wadano ciidamada qaranka madaama anagu aan nahay deegaan, kaliya waxaan warsanaa marka dambe inay gurmad noo soo sameeyaan”ayuu yiri Taliyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ra’iisul wasaaraha Dalka Canada oo guul ka gaaray doorashada

Xisbiga Liberal ee uu hogaamiyo Raiisel wasaare Mark Carney ayaa ku guuleystay doorashada Canada,kadib codeyn ka dhacday Dalkaasi.

 Raiisel wasaare Mark Carney  waxaa lagu wadaa inu soo dhiso  dowladd cusub, wuxuu durba balan qaaday inuu xooga saari doono dagaalka Ganacsi ee uu bilaabay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hogaamiyaha Konserfatifka Pierre Poilievre ayaa  qirtay guuldarada, isagoo u hambalyeeyay Carney oo uu sheegay in Canadians ay doorteen dowlad mandiil khafiif ah oo yar.

Hogaamiyaha xisbiga New Democratic Party (NDP) ayaa isna  sheegay inuu xilka ka dagi doono kadib markii uu waayay kursigiisa iyo in uu si xun u muujiyay kooxda garabka bidix u janjeerta.

Kadib guushiisa ayuu la hadlay taageerayaashiisa xili uu soo hadal qaaday damaca Madaxweyne Trump isagoo carabka ku adkeeyay inaeysan waligood aqbalayn inay u jabaan Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu isu keeno doono shaqaalaha, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah,sidoo kale wuxuu ka digay qorshaha mareykanka ee ku aadan hantidooda,dhulkooda iyo kheyraadkooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Canada

Francis Atwoli “markaad dhex socoto suuqa Islii waxaad moodaa inaad joogto Qaahira-Masar”

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Ururka shaqaalaha Kenya oo amaan kala dul dhacay Soomaalida Islii iyo Ganacsigooda

Xoghayaha Guud Ururrada shaqaalaha Kenya Francis Atwoli ayaa amaan kala dul dhacay bulshada soomaaliyeed ee ganacsiga muuqda ku leh Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.

Francis Atwoli oo dhawaan booqday Xaafada Islii ayaa Soomaalida ku amaanay sida ay horumarka uga sameeyeen ganacsiga ka jira xaafada Islii isagoo la meel dhigay sida adoo jooga Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

Masuulkaan Kenyaanka ah wuxuu soo jeediyay in soomaalida fursad loo siiyo in ay isbeddel ka sameyso Nairobi iyo magaalooyinka kale ee kenya.

“hadii aysan jirin cid kale oo horumarka sameyn karta waa in fursad la siiyo soomaalida iyadoo aan wax cabasho ah laga muujin”ayuu yiri mar kale Masuulkaan Kenyaanka ah.

Dhanka kale wuxuu shaaciyay in Soomaalidu Madaxweyne ka noqonayaan kenya mustaqbalka.

“waxaa la joogaa xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen”ayuu yiri Francis Atwoli

“markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii, waxan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii,marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu mar kale  yiri Atwoli

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Alshabaabka oo dhexdooda mar kale ku dagaalamay Masaajid Cali-gaduud

MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)-Degmada Massaajid Cali-Gaduud ee gobolka Shabeelaha dhexe waxaa mar kale uu dagaal ku dhexmaray dagaalamayaasha Alshabaab dhexdooda.

Dagaalka oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh walow aan lahayn tirada saxda ah ee maleeshiyaadka kala gaaray.

Dagaalamayaasha oo ku dagaalamay gudaha iyo banaanka Degmada Masaajid Cali-Gaduud ayaa waxaa kala hogaaminaya Saleebaan iyo iyo C/laahi Caraaye laba sarkaal oo lagu kala sheegay.

Sida dagaalkii kan ka horeeyay la soo wariyay dagaalka ayaa salka ku hayay guul daradii dhawaan Alshabaab ka soo gaartay deegaanka Wargaadhi oo si weyn loogu soo jabiyay kadib markii ay isku dayeen inay qabsadaan.

Wararka dagaalkaan ku saabsan ayaa sidoo kale sheegaya inay wali is hor fadhiyaan labada dhinac ee dirirtu dhex-martay iyadoo mar kasta rsaastu dib u bilaaban karto.

Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somalia Sheekh Abuukar ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalkaasi Alshabaab dhexdooda ku dhexmaray Degmada Masaajid Cali Gaduud,wuxuuna tilmaamay in cadaadiska kaga imaanaya ciidamada Dowlada iyo jab dagaalada ka soo gaaray ay sabab u tahay colaada kooxda alshabaab dhexdooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Ciidamadii Kenya ee ka danbeysay dilka banaan-baxayaashii sanadkii hore oo hada la aqoonsaday

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in hada la aqoonsaday mid ka mida ciidamadii Dalka Kenya sanadkii hore dibad-baxayaasha ku leysay gudaha iyo nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka Kenya ee Nairobi.

Baaritaan ay sameysay Warbaahinta BBC-da iyo falanqeyn muuqaal ay soo bandhigeen ayaa lagu aqoonsaday ciidamadii ka dambeysay dilka dadka shacabka ahaa ee sanadkii hore banaan baxyada ka dhigayay Magaalada Nairoobi.

BBC-da ayaa soo bandhigtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya oo si ku talagal ah u tooganayaa qaar ka mid ah dibadbaxaayashii gudaha u galay aqalka baarlamaanka ee dalka 25-kii bishii June ee sanadkii 2024-kii.

Dibad baxayaasha Kenyaanka ayaa sanadkii hore bartamihiisa waxay dhigeen banaanbaxyo ay kaga cabanayeen canshuurta ay dowladda kordhisay iyagoona waday dhowr bilood ilaa Dowladu ka laabatay canshuur kordhinta dhamaadkii sanadkii hore.

Cadeymaha la soo bandhigay waxay muujinayaan in dadka shacabka ee askartu laayeen aysan wadan wax hub ah xiligaasi islamarkaana aysan wax qatar ah ku ahayn amaanka ciidamada iyo xarunta baarlamaanka taasoo shacabka ka careysiisay.

Dastuurka dalka Kenya ayaa  ogol dibadbaxyo nabadeed inay shacabku dhigaan mar kasta oo ay u arkaan inay ku haboon tahay.

Si kastaba Sanadkii hore waxaa lagu dilay agagaarka aqalka Baarlamaanka Kenya ee Nairobi ilaa seddax wiil oo dhalinyarro ah kuwaasoo ka mid ahaa dibad baxayaashii ka dhiidhinayay canshuur kordhinta sanadkii hore.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Prof. Dalxa “Madaxweyne Xassan waa inuu soo fara-geliyaa xiisada baarlamaanka ka taagan”

Xildhibaan hore Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay xiisada ka dhex taagan xildhibaanada Soomaaliyeed ee qaarna ku kacsan yihiin Gudoomiyaha Baarlamanka Aadan Madoobe halka qaarna ay isaga la safan yihiin tiiyoo ay dheertahay in ku dhawaad 2 asbuuc baarlamaanku hakad ku jiro buuqa taagan darteed.
Dalxa oo wareysi siiyay Universal TV ayaa soo jeediyay in Madaxweyne Xassan aan looga maarmin inuu soo fara-geliyo xisadaan taagan.
“Waa sharci daro in uu Baarlamaanka uu xirto Aadan Madoobe,Madaxweynaha isagaa ah Ilaaliyaha sharciga kama baaqsanayso in uu soo faragaliyo buuqa Baarlamaanka” ayuu yiri Prof.Dalxa oo dalka hore uga soo noqday Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka
Mar uu ka hadlayay eeda loo jeediyay Gudoomiyaha ee ah inuu xirtay fadhiyadii Baarlamaanka ayuu Dalxa carabka ku adkeeyay inuusan jirin sharci u ogolaanaya inuu bilaa sabab xiro fadhaiyadii baarlamaanka.
“dhibaatada jirta ayaa ah ku dhaqan la’aanta sharciga ama dastuurka ayaa,mana jirto awood siineysa Gudoomiyaha inuu iska xirto fadhiyada bilaa sabab”ayuu yiri Dalxa
Dhanka kale  mar uu ka hadlayay xildhibaan Abiib oo Gudoomiye Aadan Madoobe uu ka qaaday xassaanada ama xubimimada baarlamaanka ayuu sheegay kaliya in mudanaha uu xilka ku weyn karo shida dastuurku qabo xil gudasho la’aanta sida inuu iman waayo laba kalfadhi oo ah sideen bilood shirarka baarlamaanka taasna ma dhicin sida uu dalxa xusay,sidaas daraadeedna gudoomiye iyo baarlamaan midna uusan ka qaadi karin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAAWO:-Xildhibaan Dalxa "waxaa la ii diiday inaan kaqeyb galo tartanka Kurisga Hop#80" - Wardoon

Mareykanka oo duqeyn ku laayay afrikaan ay Sooomaali ku jirtay oo ku xirnaa Xabsi ku yaal Dalka Yemen.

BurburWararka laga helaayo Dalka Yemen ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen xabsi ay ku jireen dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Afrika kuwaasoo laga soo qabtay iyagoo tahriib ku sii galaya Dalka Sacuudiga.

Afrikaantaan oo Soomaali ay ku jirto ayaa lagu hayay xabsi ku yaal waqooyi-galbeed Yemen oo ay maamulkaan dagaalamayaasha Xuutiyiinta oo dagaal uu kala dhexeeyo Mareykanku iyo Yuhuuda.

Weerarka waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen 68 muhaajiriin afrikaan u badan kuwaasoo ay ku jiraan 3 ilaa 4 Soomaali ah oo wali aan la xaqiijin sida ay BBC-du sheegtay.

Sidoo kale waxaa isbitaalada yaal oo ku dhaawacmay ilaa 47 ruux kuwaaso qaarkood  qaba dhaawacyo daran.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Soomaali badan halkaasi 3 maalin ka hor laga daad gureeyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

XOGTA: Xiisada ka dhex taagan Xildhibaanada mucaradka iyo Gudoomiye Aadan Madoobe

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa isasoo taraya xiisad siyaasadeed oo ka dhex taagan xildhibaano u badan kuwii awalba mucaaradka ku ahaa hogaanka dalka iyo baarlamaanka taasoo cirka isku sii shareertay markii mid ka mida xildhibaanada mucaaradka uu xasaanada ka qaaday gudoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaano la sheegay inay boqol gaarayaan ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Muqdisho iyagoona muujiyay sida ay uga soo horjeedeen hakadka ku yimid kulamadii Baarlamanka iyagoona ku eedeeyay gudoomiye Aadan Madoobe inuu xirtay.

Warsaxaafadeed ay shirkooda ka soo saareen ayay ku muujiyeen in Gudoomiye Aadan Madoobe uu ku xad-gudbay shuruucda u taal Baarlamaanka sida xeer-hoosaadka,sidoo kale waxay ku adkeysteen mooshinka ay ka keeneen Gudoomiyaha.

Xildhibaanadaan ayaa aamisan in Gudoomiyuhu ka baqayo mooshin isaga ka dhan ah oo xilka looga qaadayo sidaas daraadeed uu u xirey fadhiyadii Baarlamaanka.

Gudoonka ayaa isna aaminsan in Xildhibaanada qaarkood laga wadi waayay fadhiyada baarlamaanka.

Xildhibaanada Mucaaradka hada waxay shaaciyeen in hadii uusan Gudoomiyuhu dib u furin shirarka inay hoteelada Muqdisho ku dooran doonaan Gudoomiye kale taasoo xiisada uga sii dari karta hadii ay ku dhaqaaqaan inkastoo aysan wax sharciyad ah heysan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Taliyaha ciidamada guud ee SSC Khaatumo oo loo magacaabay Sarkaal ka soo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha SSC Khaatumo C/qaadir Aw-Cali (Firdhiye) ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Khaatumo u magacaabay G/Sare C/fataax Maxamed Aadan Cabdi (Dabagale) oo hore uga soo shaqeeyay Madaxtooyada Soomaaliya.
Taliye C/fataax ayaa hada ahaa kuxigeenka taliyaha guud ee ciidamada Darwaawiishta ee dhawan xilka baneeyey sareeyo guuto Saleeban Bare Geesood.
Gaashaanle Dabagale waxaa uu hore uga soo shaqeeyay madaxtooyada Villa Somalia wuxuuna xiriir la leeyahay inta badan Saraakiisha sar sare ee ciidamada Xoogga Dalka Somalia sida Taliye Odowaa Yuusuf Raagge.
Si kastaba Sarkaalkaan waxaa hada xilka loogu dhiibay si kumeel gaar ah, waxaana la rajeynayaa in si rasmi ah uu xilkaasi ula wareego.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM May be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎Stpg שול 食文県 G/SARE CABDIFATAAX MAXAMED G/SARECABDIFATAXMAXAMEDADANG AADAN CABDI TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA SSC-KHAATUMO ssc-khaatumostatehouse SSC ssc-khaatumo state house‎"‎‎

Xil. C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha.

Xildhibaan C/qadir Cosoble ayaa si kulul uga hadlay kadib markii  lagu adkeeyay la kulanka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.
Xildhibaanka ayaa isagoo careysan wuxuu warqad furan u soo qorey Madaxweynaha kadibna baraha bulshada ayuu soo geliyay.
Xildhibaanku wuxuu warqadiisa ku sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweynaha isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah balse ay suurtageli weysay.
mar uu ka hadlayay qaabka ay ugu adkaatay la kulanka Madaxweynaha ayuu tilmaamay inuu meel kasta u maray oo xitaa uu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah.
Si kastaba Warqadiisa ayuu ku cadeeyay xildhibaanku inuu ku qasabanaaday inuu Puplic kula hadlo Madaxweynaha madaama uu awoodi waayay inuu si hoose ula hadlo.
“Maadaama aan si hoose kuugu soo gudbin kari waayey baaqeyga, waxaan ku qasbanaaday inaan si daahfuran ah kuugu soo gudbiyo. ” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir
Xildhibaan C/qaadir wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynaha ay iskala tirsanaan jireen midowgii musharraxiinta xiligii farmaajo iyagoo isla mucaaradayay Dowladaasi.
 “Mudane Madaxweyne, sax ma aha in aad ku indho adeegto wixii adiga iyo anaga oo badan aan ka diidnay madaxweynihii hore, taasoo aan wada ognahay in ay noo horseedi karto burbur cusub iyo waddanka oo yeesha dhowr Madaxweyne.” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa
Xildhibaan Cosoble ayaa soo jeediyay tallooyin badan oo uu ku doonayo in dalka looga badbaadiyo jahawareer siyaasadeed. Waxa uu ku booriyay Madaxweynaha inuu ka laabto uruurinta
Xildhibaan C/qaadir Cosoble wuxuu u soo jeediyay Madaxweyne Xassan inuu ka laabto awoodda ee halka gacan ku urursan.
Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Madaxweynaha inuu qabto shir loo dhan yahay kaasoo ay ka soo wada muuqdaan dhammaan saamileyda siyaasadda sida Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la xaqiijiyo doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan, lagu kalsoonaan karo,sidoo kale laga shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
- Advertisement -

news

Weekly Meal Planner and Grocery List | Google Sheets Digital Template...

0
Weekly menu and shopping list | Digital model of Google sheets | Automated purchase list | Food preparation | Printable digital food planner Plan your...

Murf AI

book store near me

HOT NEWS