














Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo sida ay la tahay in gogosha Madaxweyne Xassan dhigay cida ka qeybgaleysa si midnimo loo helo.
“si wadajir loogu wajaho argaggixisada waa in gogosha madaxweynuhu waa in laga soo wada muuqdo” ayuu yiri C/raxmaan c/shukuur
Qoraalka siyaasiga ayaa sidan u qornaa:-
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in la fidiyo gogol qaran oo ay ku wada hadlaan xukuumadda, mucaaradka iyo dowlad goboleedyada, si loo helo qorshe difaac oo lagu midansan yahay, si wadajir loogu wajaho argaggixisada. Sidoo kale, waa in la isla meel dhigaa jadwal doorasho oo daah furan oo heshiis lagu yahay xilliga iyo habka loo galayo kaasoo laga wada shaqayo.
Weerarrada Israa’iil ayaa ugu yaraan 18 qof ku dilay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in shilalka gargaarka ee Gaza ay kor u kacayaan iyadoo kaydka cuntada, daawadu ay hoos u dhacday iyada oo ay Israa’iil xannibayso laba bilood oo hadda ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in ku dhawaad 3,000 oo baabuur gargaar ah ay soo buux dhaafiyeen xadka Gaza, kuwaas oo aan awoodin inay ka gudbaan.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 52,400 oo falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 118,014, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas. Xafiiska Warbaahinta ee Xukuumadda Gaza ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay banaanka yimid isla jaan-qaadka siyaasadeed ee Madaxweynayaasha Maamulada Somaliland iyo Puntland C/raxmaan Cirro iyo Saciid Deni taasoo ka dhalatay markii dhawaan Dowlada Somalia maamul Goboleed u aqoonsatay SSC Khaatumo, maamulkaan ayaa dhui ahaan ku yaal Puntland iyo Somaliland dhexdooda.
Isla-jaanqaadkaan wuxuu ka dhashay Madaama markii hore uu jirey khilaaf u dhexeeyay Maamulka Puntland iyo faderaalka oo markaana ay is tusiyeen in awoodooda ay soo yaraaneyso hadii SSC Khaatumo la aqoonsaday halka maamulka Somailand iyaguna ayba sheegan jireen inay Somalia inteeda kale ka go’day.
Haddaba C/raxmaan Cirro iyo Saciid Dani oo labaduba dhibaato u arka maamulka cusub ee curdunka ah ee SSC Khaatumo ayaa si hoose waxay iskugu fahmeen in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uga aargoostaan in Saciid Dani doorashada soo socota uu qaato xilka Madaxweynaha Somalia sidaasna ay uga taqa lusaan SSC Khaatumo oo dhexdooda ku jirta.
Waxay is tuseen si Dani lagu dhiso in Boqor Buur -Madow iyo Cirro iska kaashtaan sidii xildhibaanada reer Somaliland ka soo jeeda ee ku jira Faderaalka Soomaaliya ay codkooda u siiyaan Musharax Saciid Dani, aan kugu celiyee halkaasi waxay ka arkaan wada-jir inay Xassan uga aarguteen madaama uu maamul ka dhex dhisay dhexdooda.
Su’aal waxaa jirta ay is weydiin karaan dadku oo ah sidee somaliland oo ictiraaf raadineysa uga tanaasuli kartaa sedexda gobol ee Sool,Sanaag iyo Ceyn oo u siin kartaa Puntland hadii ay Xassan ka guuleystaan, iyo sidee Puntland dad iyaga ku heyb ah oo shalay ay dhiig isla daadiyeen kursi dartiis ugu qasbi kartaa inay Somaliland dib ula midoobaan walibana uu ugu dari karaa dhulka qeybtii Puntland dhnkooda jirtay.
jawaabta su’aashaan waxaa ka soo dhex baxeysa labaduba taas ma sameyn karaane mid baa la qiyaamayaa labadooda oo Ciro ayaa raba inuu Khaatumo soo ceshto iyadoon wiil kaga dhiman si caqli-caqli ah kadibna wuu ku boodayaa Deni ama dhanka kale u rogoo Saciid Deni baa raba inuu kursiga ugu sareeya Soomaaliya ku gaaro heshiiska uu la galay ciro kadibna wuxuu la soo bixi doonaa qodobka dastuurka Dalka ku qoran ee ah midnimada iyo wada-jirka Somalia waa muqadas ileen baarlamaan Soomaaliyeed ayaa la xisaabtamaya oo ma dhihi karo Somaliland baan aqoonsanahay.
Marka si taxadar leh loo qiimeeyo dhamaadka ciyaartaan qamaarka ah hadiiba sidey rabto ay noqoto waayee, waxay ciyaartaan u badan tahay inuu ku qasaaro Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciiro madaama aan caqli-caqli masiir umadeed lagula wareegi karin.
Tiirarka ugu waa weyn ee C/ramaan Cirro ku qasaari karo waxaa ka mid ah ugu horeyn reerka ku mideysan maamulka SSC Khaatumo waa dad jira oo aan marna si sahal ah lagu marsiin karin ciyaartaan xitaa hadii ay isla soo saftaan labada odey.
Tiirka labaad waa Saciid Danii oo aan Soomaali weyn marsiin karin Somaliland baan qoonsanayaa xitaa haduu riyadiisa helo oo ay u yeerto Madaxweynaha Somalia.
XAFIIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan loo magacaabay Wasaarada gaashaandhiga ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii xilkaasi hore u hayay Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradaasi.
Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Golaja Wasiirada sida Ra’iisulwasaare xigeenka 1-aad ee dalka Saalax jaamac oo isagu labadaan wasiir maanta xilalka u kala wareejiyay.