







MAHADAAY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Macawisleyda deegaaanka ay xalay waqti danbe weerar ku qaadeen duleedka Magaaladaasi oo ay Alshabaab ku sugan yihiin.
Taliyaha ciidamada macawisleyda Mahadaay Cismaan Beereey oo warbaahinta u sharaxay howlgalkooda xalay ayaa sheegay inay gaadeen xili ay dhufeysyada ka soo baxeen alshabaab kadibna ay ku holciyeen ilaa 8 baalaatoo oo baasuuke ah.
“Sida ay iyagu u dhaqmaan ayaan ku sameynay oo xalay ayaan ku guureynay, dhufeysyadooda ayaana ugu tagnay , 8 Baasuukana waa ku garaacnay dagaalka ka hor”ayuu yiri taliye Cismaan Beereey.
Mar wax laga weydiiyay hadii ay jiraan khasaare ay gaarsiiyeen ayuu sheegeen inay dileen 4 alshabaab ah deegaanka Cali Fooldheere oo ka mida deegaanada hoos yimaada Magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe
“caway ahayd wax badan ma ogaan karno waa arkaayay booshash ay wiilasha qaar ka soo furteen khawaarijta laakiin qoryihii waa la baxsadeen”ayuu yiri Taliyaha .
Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay inay dhufeysyada aagaga ore ee ay ugu tageen ay la wareegeen islamarkaana ay saaka 7-dii aroornimo gurmad ka heleen ciidamada Xoooga Dalka.
“sideedaba wixii gaadmo ah anagaa aadna, ma wadano ciidamada qaranka madaama anagu aan nahay deegaan, kaliya waxaan warsanaa marka dambe inay gurmad noo soo sameeyaan”ayuu yiri Taliyaha
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Xisbiga Liberal ee uu hogaamiyo Raiisel wasaare Mark Carney ayaa ku guuleystay doorashada Canada,kadib codeyn ka dhacday Dalkaasi.
Raiisel wasaare Mark Carney waxaa lagu wadaa inu soo dhiso dowladd cusub, wuxuu durba balan qaaday inuu xooga saari doono dagaalka Ganacsi ee uu bilaabay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Hogaamiyaha Konserfatifka Pierre Poilievre ayaa qirtay guuldarada, isagoo u hambalyeeyay Carney oo uu sheegay in Canadians ay doorteen dowlad mandiil khafiif ah oo yar.
Hogaamiyaha xisbiga New Democratic Party (NDP) ayaa isna sheegay inuu xilka ka dagi doono kadib markii uu waayay kursigiisa iyo in uu si xun u muujiyay kooxda garabka bidix u janjeerta.
Kadib guushiisa ayuu la hadlay taageerayaashiisa xili uu soo hadal qaaday damaca Madaxweyne Trump isagoo carabka ku adkeeyay inaeysan waligood aqbalayn inay u jabaan Mareykanka.
Sidoo kale wuxuu xusay inuu isu keeno doono shaqaalaha, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah,sidoo kale wuxuu ka digay qorshaha mareykanka ee ku aadan hantidooda,dhulkooda iyo kheyraadkooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Ururka shaqaalaha Kenya oo amaan kala dul dhacay Soomaalida Islii iyo Ganacsigooda
Xoghayaha Guud Ururrada shaqaalaha Kenya Francis Atwoli ayaa amaan kala dul dhacay bulshada soomaaliyeed ee ganacsiga muuqda ku leh Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.
Francis Atwoli oo dhawaan booqday Xaafada Islii ayaa Soomaalida ku amaanay sida ay horumarka uga sameeyeen ganacsiga ka jira xaafada Islii isagoo la meel dhigay sida adoo jooga Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.
Masuulkaan Kenyaanka ah wuxuu soo jeediyay in soomaalida fursad loo siiyo in ay isbeddel ka sameyso Nairobi iyo magaalooyinka kale ee kenya.
“hadii aysan jirin cid kale oo horumarka sameyn karta waa in fursad la siiyo soomaalida iyadoo aan wax cabasho ah laga muujin”ayuu yiri mar kale Masuulkaan Kenyaanka ah.
Dhanka kale wuxuu shaaciyay in Soomaalidu Madaxweyne ka noqonayaan kenya mustaqbalka.
“waxaa la joogaa xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen”ayuu yiri Francis Atwoli
“markii iigu horreysay shalay ayaan booqday Islii, waxan rabaa in aan u mahadceliyo bulshada Soomaalida ee xaafadda Islii,marka aad joogto Islii, gaar ahaan suuqa laga adeegto, waxaad mooddaa in aad joogto magaalada Qaahira ee dalka Masar,” ayuu mar kale yiri Atwoli
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
MASAAJID CALI-GADUUD (DAYNIILE.COM)-Degmada Massaajid Cali-Gaduud ee gobolka Shabeelaha dhexe waxaa mar kale uu dagaal ku dhexmaray dagaalamayaasha Alshabaab dhexdooda.
Dagaalka oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh walow aan lahayn tirada saxda ah ee maleeshiyaadka kala gaaray.
Dagaalamayaasha oo ku dagaalamay gudaha iyo banaanka Degmada Masaajid Cali-Gaduud ayaa waxaa kala hogaaminaya Saleebaan iyo iyo C/laahi Caraaye laba sarkaal oo lagu kala sheegay.
Sida dagaalkii kan ka horeeyay la soo wariyay dagaalka ayaa salka ku hayay guul daradii dhawaan Alshabaab ka soo gaartay deegaanka Wargaadhi oo si weyn loogu soo jabiyay kadib markii ay isku dayeen inay qabsadaan.
Wararka dagaalkaan ku saabsan ayaa sidoo kale sheegaya inay wali is hor fadhiyaan labada dhinac ee dirirtu dhex-martay iyadoo mar kasta rsaastu dib u bilaaban karto.
Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somalia Sheekh Abuukar ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalkaasi Alshabaab dhexdooda ku dhexmaray Degmada Masaajid Cali Gaduud,wuxuuna tilmaamay in cadaadiska kaga imaanaya ciidamada Dowlada iyo jab dagaalada ka soo gaaray ay sabab u tahay colaada kooxda alshabaab dhexdooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in hada la aqoonsaday mid ka mida ciidamadii Dalka Kenya sanadkii hore dibad-baxayaasha ku leysay gudaha iyo nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka Kenya ee Nairobi.
Baaritaan ay sameysay Warbaahinta BBC-da iyo falanqeyn muuqaal ay soo bandhigeen ayaa lagu aqoonsaday ciidamadii ka dambeysay dilka dadka shacabka ahaa ee sanadkii hore banaan baxyada ka dhigayay Magaalada Nairoobi.
BBC-da ayaa soo bandhigtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya oo si ku talagal ah u tooganayaa qaar ka mid ah dibadbaxaayashii gudaha u galay aqalka baarlamaanka ee dalka 25-kii bishii June ee sanadkii 2024-kii.
Dibad baxayaasha Kenyaanka ayaa sanadkii hore bartamihiisa waxay dhigeen banaanbaxyo ay kaga cabanayeen canshuurta ay dowladda kordhisay iyagoona waday dhowr bilood ilaa Dowladu ka laabatay canshuur kordhinta dhamaadkii sanadkii hore.
Cadeymaha la soo bandhigay waxay muujinayaan in dadka shacabka ee askartu laayeen aysan wadan wax hub ah xiligaasi islamarkaana aysan wax qatar ah ku ahayn amaanka ciidamada iyo xarunta baarlamaanka taasoo shacabka ka careysiisay.
Dastuurka dalka Kenya ayaa ogol dibadbaxyo nabadeed inay shacabku dhigaan mar kasta oo ay u arkaan inay ku haboon tahay.
Si kastaba Sanadkii hore waxaa lagu dilay agagaarka aqalka Baarlamaanka Kenya ee Nairobi ilaa seddax wiil oo dhalinyarro ah kuwaasoo ka mid ahaa dibad baxayaashii ka dhiidhinayay canshuur kordhinta sanadkii hore.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wararka laga helaayo Dalka Yemen ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen xabsi ay ku jireen dhalinyaro badan oo ka soo jeeda Afrika kuwaasoo laga soo qabtay iyagoo tahriib ku sii galaya Dalka Sacuudiga.
Afrikaantaan oo Soomaali ay ku jirto ayaa lagu hayay xabsi ku yaal waqooyi-galbeed Yemen oo ay maamulkaan dagaalamayaasha Xuutiyiinta oo dagaal uu kala dhexeeyo Mareykanku iyo Yuhuuda.
Weerarka waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen 68 muhaajiriin afrikaan u badan kuwaasoo ay ku jiraan 3 ilaa 4 Soomaali ah oo wali aan la xaqiijin sida ay BBC-du sheegtay.
Sidoo kale waxaa isbitaalada yaal oo ku dhaawacmay ilaa 47 ruux kuwaaso qaarkood qaba dhaawacyo daran.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Soomaali badan halkaasi 3 maalin ka hor laga daad gureeyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM