Home Blog Page 20

Faah-faahinta hadaladii Wasiir Fiqi uu ka jeediyay munaasabadii uu maanta kula wareegay xilka Wasaarada Difaaca+SAWIRRO

May be an image of 3 people, dais and textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan loo magacaabay Wasaarada gaashaandhiga ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii xilkaasi hore u hayay Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradaasi.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Golaja Wasiirada sida Ra’iisulwasaare xigeenka 1-aad ee dalka Saalax jaamac  oo isagu labadaan wasiir maanta xilalka u kala wareejiyay.

“Waxaan si rasmi ah ula wareegay maantay xilka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga – JFS oo uu igu wareejiyey walaalkay wasiirkii hore ahna Raysulwasaare ku xigeenka 2aad Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo bartiisa facebook ku soo qorey qoraal uu kaga hadlayay xilka uu la wareegay maanta.
Wasiir Fiqi wuxuu tilmaamay inuu u bilowday howl-weyn,wuxuu carabka ku adkeeyay in wasaarada difaacu tahay mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay.
“wasaaradda Difaacu waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa”ayuu yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale Mar uu ka hadlayay shaqada uu ka qaban doono wasaarada gaashaandhiga ayuu xusay inuu xoogga saari doono Dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab
“waxaan xooga saari doonaa dirirta iyo jabinta Khawaarijta qooqan, xoojinta tayada iyo dhismaha ciidankeena iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca” ayuu mar kale yiri Wasiir Fiqi
“Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta waxaan ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ay ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira loo garab istaagi lahaa, si ay u noqdaan kuwo ku filnaada la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka” ayuu mar kale yiri Wasiirka cusub ee difaaca
Ugu dambeyn  Wasiir Fiqi wuxuu u mahadceliyay saaxiibada Soomaaliya ee Dowlada la garab taagan taakulada gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 10 people, dais and weddingMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people

Madaxweyne Xassan oo war ka soo saaray xuska maalinta shaqaalaha

Muqdisho, May1, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed. Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha.
“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo. Wuxuu Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.May be an image of 1 person and text

Taliska Booliiska oo maanta yeeshay kulan amniga looga hadlayay+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Hoggaanada iyo qeybaha Booliiska oo Todobaadkan looga hadlay Xoojinta Amaanka, la dagaalanka Tahriibka iyo ka hortagga falalka Amniga lidka ku ah .
Saraakiisha Amaanka u xilsaaran ayuu Taliyuhu uga mahadceliyey dedaalada ay wadaan, waxaana uu magacaabay guddi farsamo oo qiimeyn ku sameeyn doona Amaanka Caasimada si loo xoojiyo la dagaalanka Khawaarijta oo markasta u taagan dhibaateynta shacabka.
Amniga Muqdisho ayaa sodomeeyo sano kadib ah hada ah mid soo gaaray halkii ugu fiicneyd iyadoo shacabku ku naaloonayaan horumar dhanka maagashiga caasimada iyadoo daaraha la dhisayo iyo ganacsiga sii kordhaya ay ku timid kalsoonida dhanka amniga lagu qabo.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and text

Muxuu yahay go’amada laga soo saaray Shirkii ay yeesheen Wasiirada SSC Khaatumo +SAWIRRO

May be an image of 9 people, dais and text that says "Ft ADAXTOOYADA SSC-KHAATUNO 1at ነድነ SEXHAATUNO SU HOUE STATE"Laascaanood, 01/05/ 2025 – Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Md. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shir guddoomiyey kulankii todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirrada.
Ugu horrayn guddi hoosaadyada golaha ayaa ka warbixiyey xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasadda.
Sidoo kale golaha ayaa go’aamiyey in maanta wixii ka dambeeyey magaca maamulka KMG SSC-Khaatumo loo bedelay DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO, SOOMAALIYA.
Si waafaqsan axdiga ku meelgaadh ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo faraya in muddo labo sano ah ka laga guuri doono KMG oo la noqon doono dawlad goboleed dhammaystiran.
Sidoo kale waxaa guulaystay dhammaan dedaalladii xukuumaddu ugu jirtay dhammaystirka.
Ugu dambayn safarkii #Socdaalmidnimo ee Raysal Wasaaraha xukuumadda Danqaran ku timi deegaanka SSC-Khaatumo, si buuxda loogu dhawaaqay Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.
Sidaas darteed goluhu waxa uu go’aamiyey in magaca saxda ahi noqdo DAWLAD GOBOLEEDKA SSC-KHAATUMO, dhanka kale goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda in ay isticmaalaan magaca cusub ee dawlad goboleedka SSC-Khaatumo.
-DHAMMAAD-
__________________________________________
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Madaxtooyada Dawlad Goboleedka SSC-KhaatumoMay be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎MAD UMO ON تاء SSC-KHAAIJMO UMO STATEHOUSE HOUSE SSC-KHAAI STATE‎"‎‎May be an image of 7 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 1 person, beard, smiling and newsroomMay be an image of 1 person, beard, smiling, glasses and newsroomMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, beard, smiling, glasses and newsroomMay be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, smiling and headscarfMay be an image of 2 people, beard and people smilingMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and newsroom

Afar Wasiir oo laga joojiyay ka qeybgalka shirarka Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada XFS ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golaha, asiga oo sidoo kale Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inuu talo bixin iyo talaabooyin ku haboon kasoo gudbiyo xubnahan si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.May be an image of ticket stub and textMay be an image of text that says "Haddaba falalkii gacan ka hadalkaa ahaa ka qayb awgeed xubnahaas, waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha Shacabka joojiyo xubnaha Xildhibaanada ahna wasiiro tirsan XFS 00 magacyadooda hoos ku xusan yihiin qayb galka fadhiyada Golaha Shacabka, illaa Guddiga Xeer-Hoosaadka, Xeer- Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ce Golaha Shacabka yk ka s soo saarayaan go'aankooda Anshaxmarineed 00 waafaqsan Xeer- hoosaadka Golaha Shacabka. Xubanahaasi waxay kala yihiin: Xil. Mohamed Abdikadir Haji Xil. Omar Abdi Mohamed Xil. Mohamed Mursal Xil. Mohamed Osman Omar Wabillahi Towfiiq M.ne SheekAdar Adan Maxamed Nuur "Madoobe" Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Tell: +252 616641550 [elk+252664150/+252618123405 +252 618123405 E-matl speakce@parinment.gor.in Website: www.pariament.gox.sa"

Gudoomiye Aadan Madoobe oo dalka ka dhoogay xili xaalka baarlamaanku qasan yahay

Muqdisho-Soomaaliya 01, May, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas uu uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona.
Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda wadanka Falastiin.

Wasiirka shaqada oo ka hadlay maalinta shaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.
Wasiirku wuxuu xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ka qaataan horumarinta dalka, isagoo tilmaamay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo dhiirrigelinta shaqo-abuurka.
“Shaqaalaha Soomaaliyeed waa halyeeyo u taagan dhismaha qaranka, waxaana ku bogaadinayaa hawlkarnimadooda, hufnaantooda iyo dhabar-adeeggooda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf.May be an image of 1 person and text that says "MINISTRYOFLABOUR& MINISTRY OF LABOUR& SOCIAL/ SOCIALAFFAIRS AFFAIRS WasaaraddaSi Shaqada WasaaraddaShaqada& & Arimaha ArimahaBulshada Bulshada THE WORLD THEWORLDBANH BANH HIGH BUIL AN MOI DATE: 27 CUSSION ON CONTRACT REVENUE SOMALIA @_ 1 Da MAY Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Aduunka. fo @Somaliamolsa"

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac uu ku yimid iyo waqtiga loo badalay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay  in  shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka  ee maanta loo balansanaa inuu baaqday sababo jira awgood.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sii sheegay in kadib wada-tashi ay yeesheen Madaxda Qaranka lagu go’aamiyay in shirku bilaaban doono isniinta oo bishu tahay 5-ta bisha May 2025.

Shirkaan oo ah mid u dhexeeya madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa qaranka ayaa hadana waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Puntland uu wali diidan yahay ka qeybgalka shirkaani.

Maamulka Jubaland waxaa iyagana u diidan  Dowlada iyadoona shuruud looga dhigay inay marka hore ka laabtaan natiikada doorashadii uu dhawaan isku caano shubay Axmed Madoobe.
Dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Gal-udug,Koour-Galbeed iyo Hirshabelle kuwaasoo u yimid ka qeybgalka shirka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xildhibaan Kenya u dhashay oo Xalay Nairoobi lagu dilay iyo Ruto oo ka hadlay

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanka tirsanaa Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa xalay lagu dilay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalkaasi xili uu marayay meel ku dhaw xarunta meydadka la dhigo ee Nairobi City Mortuary
Kooxo hubeysan oo watay mooto ayaa dilka fuliyay wayna baxsadeen inkastoo hay’adaha amnigu ku daba jiraan.
Xildhibaan waxaa laga soo doortaa Kasipul ee ismaamulka Homa Bay,waxaana lagu magacaabi jirey  Charles Ong’ondo were.
Taliska Booliiska iyo hay’ada danbiyada baarta ee Kenya wali aahaahin kama aysan bixin dilka loo geystay xildhibaankaasi.
Dhanka kale Madaxweynaha Kenya ayaa ka hadlay dilka xildhibaankaani isagoo ugu horeyn qoyskiisa uga tacsiyeeyay,Ruto wuxuu Booliiska faray inay shaqadooda qabsadaan oo baaritaan qoto dheer ku sameeyaan kooxihii ka danbeeyay dilka  Charles Ong’ondo were.
Madaxweyne Wiliam Ruto wuxuu adkeeyay in sharciga la hor keeno kua dilka fuliyay si loola xisaabtamo oo loo ciqaabo.
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person

Barcelona oo gurigeeda barbaro kula gashay Inter Milan lugta hore ee Semi-finalka Champions League

XIGASHO LAACIB.NET

Barcelona iyo Inter Milan ayaa ku kala baxay barbaro 3-3 ah kulan xiiso badan oo ka dhacay Estadi Olímpic Lluís Companys lugta hore ee semi-finalka Champions League, taas oo ka dhigan in wax walba ay macquul  yihiin ka hor kulanka labaad ee ka dhici doona Milan.

Inter Milan ayaa si lama filaan ah hogaanka u qabatay daqiiqaddii ugu horeysay ee ciyaarta, iyadoo Marcus Thuram uu shabaqa ku taabtay kubad uu si la yaab leh ugu dhameystiray lugta dambe. Denzel Dumfries ayaa hogaanka u sii dheereeyey Inter daqiiqaddii 21aad markii uu si qurux badan kubad geeska ka timid ugu dhameystiray labaaley cajiib ah.

Barcelona ayaa si degdeg ah uga jawaabtay iyadoo da’yarka 17-jirka ah ee Lamine Yamal uu gool qurux badan dhaliyey daqiiqaddii 24aad. Ferran Torres ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2 daqiiqaddii 38aad, isagoo ka faa’iideystay kubad madax ah oo uu Raphinha u dejiyey.

Qeybta labaad ayaa iyaduna sii wadatay heerka xiisaha sareeya ee ciyaarta. Dumfries ayaa markale Inter u keenay goolka saddexaad daqiiqaddii 63aad isagoo madax ku dhaliyey kubad koorno ahayd. Balse laba daqiiqo kadib, Barcelona ayaa mar kale dhalisay markii Raphinha uu bannaanka ka toogtay kubad dheer oo birta ku dhacday kuna dhacday goolhayaha Yann Sommer si ay ugu dambeyntii ugu dhacdo shabaqa iyadoo loo aqoonsaday inay tahay gool uu iska dhaliyay goolhayaha.

Labada kooxoodba fursado ayay heleen si ay u xaqiijiyaan guusha, balse ciyaarta ayaa kusoo idlaatay barbaro 3-3 ah. Natiijadani waxay fursad weyn siinaysaa lugta labaad ee ka dhici doonta garoonka San Siro, iyadoo labada kooxoodba doonayaan inay u gudbaan finalka ka dhici doona magaalada Munich.

Barcelona oo uu hogaaminayo tababare Hansi Flick ayaa ku hamineysa inay hanato saddex koob xilli ciyaareedkan, maadaama ay dhawaan ku guuleysteen Copa del Rey. Inter Milan oo caan ku ah difaac adag, ayaa ciyaartan ku muujisay awoodooda weerar.

Barcelona Oo Gurigeeda Barbaro Kula Gashay Inter Milan Lugta Hore Ee Semi-finalka Champions League

- Advertisement -

news

book store near me

0
Are you looking for a library near me? That you are a lover of books who seek the last success of sales, a student...

Murf AI

HOT NEWS